Skip to main content

Posts

Showing posts from April 10, 2018

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........

Waxaas ayaa jacayl ah

Dhirta xididka hoosaa dhulka loogu beeree way dhici lahaayeen Dhismahooda weeyee Kii dhaba jaceylkuna halkii kama dhaqaaqo dhidibaa u aasan Kii dhaba jaceylkuna halkii kama dhaqaaqo dhidibaa u aasan waa sida dhillowyahan intuu laan isaga degey dhexda loogu marayee, dhakhso uga baxaayee Kii dhaba jaceylkuna looma kala dhantaaloo lafahuu dhammeeyaa sida dhuda haween yaal isu dheeli tiranoo midba dhan u baxaysoo dhinaca isa saaree dhinaca isa saaree Kii dhaba jaceylkuna waaa qadan wadaagiyo isu dhalasho daacad ah sida dhalanka weeyaan dheehaa caleentuyo ubax wada dhalaaliyo dhimbishaa hareeysee dhimbishaa hareeyee kol hadulamaan yahay kala duuban meynee waagaa dharaar noqon Kii dhaba jaceylkuna looma kala dhantaaloo lafahuu dhammeeyaa