Skip to main content

Posts

Showing posts from April 9, 2018

8 Qodob Oo Kaa Dhigaya Qof Farxad Badan

Waxa had iyo jeer dadku raadiyaan in ay ku noolaadaan, nabad, nimco iyo farxad. Iyo in ay ka baxaan baahida ay qabaan ha ahaato mid dhaqaale, mid caafimaad iyo mid kalaba. Hadaba waxa jira dad haysta nolol fiican laakiin ay hadana dareemayaan in ay wax ka maqan yihiin. Si uu qofku u noqdo mid faraxsan kuna nool niyad wanaagsan ayaa waxa aanu qormadeena maanta kusoo qaadanaynaa 8 qodob oo aad ku heli kartid farxada niyada.1. Ku raaxayso nolosha xilyada fiican ee aad ku jirto. Dib u xusuuso xiliyadii wanaagsanaa ee ku soo maray, warqad ku qor oo akhri si aad u xusuusatid waqtigaas marka aad dareemayso niyad jab. 2. Hawl badan oo waqti badan kaa galo wax kasta waad ku gaadhi kartaa. Waxa aad meel ku qortaa 3 arimood oo aad muhiim kuugu ah oo aad rabtid in aad gaadhid iyo sida aad rabtid in aad ku gaadho. 3. Naftaada dhaqaalee. Samayo xili aad ku nasato sida adiga oo fadhiisanaya meel xeeba ah hawo macaan ka dhacayso. Waqti la qaado qoyskaaga ama saaxiibadaa. Qosolka iyo ilko cadayn

8 Astaamood Oo Lagu Garto Qofka Ku Jecel

sida la ogyahay wejiga iyo xubnaha jirka intooda kale inay yihiin astaan lagu garan karo waxa dhex yaalla qalbiga, naag jacayl nin u qabta ama nin naag jacayl u qabo waxaa laga arkaa astaamahaan soo socda 1-xusuus badan mar kasta inaad niyadda ku haysid oo aadan ka saari karin oo aad ku mashuulsantahay            2- inaad ka sheekayso qofka aad jeceshahay mar walba waxaad rabtaa inaad xusto 3- in si xoog ah wadnaha u shaqeeyo markaad si kedo ku aragto qofka aad jeceshahy 4- marka aad u soco kulankiisa waxaad dareemaysaa firfircooni siyaado ah, marka aad ka soo tagaysidna waxaad dareemaysaa culays iyo tiiraanyo iyo caga-jiid 5- qofka ku jecel si rasmi kuuma fiirin karo, fiirista ayuu kugu xadayaa, marka aad dhinac kale u jeedano aad buu kuu fiiriyaa 6- wax kastoo aad nacaybtahay waa ka fogaanayaa qofka ku jecel adoo aan dhihin ka fogoow 7- wuxuu jecelyahay inuu kuu soo dhowaado marka aad meel wada joogtaan 8- dadka adiga aad jeceshayna wuxuu jecelyahay inuu ixtiraamo waxa

Warbixin: Ander Herrera Oo Ka Soo Jawaabay Wararka Sheegaya Waxa Ka Jira In Uu Candhuufay Calaamadda Manchester City

Xiddigga Manchester United Ander Herrera  waxa uu beeniyey in uu ula kac u candhuufay callaamada Mancehster City. Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya Herrera oo candhuufaya callaamada City markii loo sii socday qolka labiska qeybtii hore ee dheesha xilli ay Citizens ku hoggaamineysay 2-0 oo ay u kala dhaliyeen Vincent Kompany iyo  Ilkuy Gundogan.

6 Daan Arimood Haddi Lawaayo Waligiisa jacayl Ma Jirayo.{Maqaal Xiiso leh}

Waxaa dhab ah ama xaqiiqo ah in qof walba qaab iyo nooc u kaliya uu u cabiro ama u qiyaaso jacaylkiisa uu u qabo qof ama cid kale, cida  kale waxay noqon kartaa qof banii aadama oo lamida, xayawaan uu jecel yahay ama shay la taaban karo oo aan naf lahayn sida guriga iwm. Halkan waxaan kusoo koobi doonaa 5nooc oo uu qofku ku cabiro jacayl kiisa khaasatan marka uu tusayo jacaylkiisa qof uu jecel yahay. -Ficil: dadka jacaylkooda ku cabira ficilkoodu waxay noqon karaan dadka u dhaqma sidan. Xaaskiisa markuu rabo inuu tuso jacaylka uu u qabo wuxuu u qabtaa hawlaha ay jeceshahay inuu uqabto oodhan, ninkeeda waxay u karisaa cuntada mida uu ugu jecel yahay iyadoo u raacisa inay isu qurxiso si uu jecel yahay iwm. Hadaba hadii aad ka mid tahay kooxdan jacaylkooda ku cabira ficilkooda waxaa fiican in aad lamaanahaaga dareensiiso in jacaylka aad u qabto uu tusaale ka yahay ficilkaaga. Waxaa dhacda marar badan in kooxdani ay la kulanto is afgaran waa ka yimaada dhinaca kale iyagoo ku an dacoonaya

DHAGEYSO: Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Iscasilaadda Jawaari

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ka hadlay Iscasilaadii uu maanta Sameeyay Gudoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Madaxweyne Xaaf waxaa uu sheegay in ay muhiim aheyd in uu tanaasulo Jawaari si loo dhameeyo Khilaafka Maalmihii lasoo dhaafay ka dhex taagnaa Golaha Shacabka. Xaaf ayaa waxa uu hambalyo u diray Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo uu sheegay in uu yahay nabadoon waxa uu intaas ku daray in Gudoomiyuhu iscasilay saaka isaga oo u tanaasulay sidii wadanka uusan dib u dhac iyo burbur uga badbaadin lahaa.

Wasaaradda Amniga oo war ka soo saartay lacagta lagu qabtay Garoonka Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM-  Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay Boorsooyinka lacagta lagu waday ee shalay laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasaaradda ayaa sheegtay shalay saacadu marka ay aheyd 11:40-Pm in Garoonka ay soo caga dhigatay Diyaarad nuuceedu yahay Bocing 737, taasi oo waxyaabihii ay siday ka mid ahaayeen Saddex Boorso oo aanan calaamadeysneyn. Shaqaalaha Garoonka oo Boorsooyinka marsiiyay baaritaan ayaa ka shakiyay, kadibna waxa ay la xiriireen qeybta la dagaalanka Argagixisada ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, iyada oo ugu dambeyn la ogaaday in laga soo buuxiyay lacag Dollar ah. Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay lacagtaasi oo cadadeedu dhan tahay 9.6 Milyan (Sagal Milyan iyo Lix Boqol oo Kun oo Dollar Mareykanka) in hada ay gacanta ku hayaan Hay’adaha amniga, baaritaano dheeraad ahna ay ku socdaan, halka ay ku socotay iyo wadanka ay ka timid. Sidoo kale warka qoraalk

bulshada aduunka kunool

Bulshada Aduunka  ( Af-Ingiriis :  world population ;  Af-Carabi :  تعداد السكان في العالم ) waa wadarta tirada guud ee dhamaan  dadka  ku nool caalamka hada. Bishii Ogosto 2016ka bulshada caalamka waxaa lagu qiyaasay 7.4  bilyan . [1]  Sidoo kale, warbixin ay soo saartey  Qaramada Midoobey  waxaa lagu sheegay in tirada dadku noqon doonto 11.2 bilyan sanadka 2100. [2] Hordhac Guud ahaan bulshada caalamku way sii koraysay wixii ka dambeeyay Abaartii 1315–17 iyo Xasuuqii Madoobaa ee 1350,wakhtiyadaasi oo dadku ahaayeen 370 million. [3]  Wakhtiyadaasi wixii ka dambeeyay tirada dadku waay ku koraysay xawaare ah 1.8% sanad kasta – taasi oo gaadhay meeshii ugu sareeysay sanadihii 1955-1975 oo xawaaraha koritaanku gaadhay 2.06%. [4] Dhinaca kale, sida lagu ogaaday cilmibaadhis sanadkii 2016ka isku-celceliska da'da bulshada caalamku waa 30.1 sano, taasi oo  labka lagu qiyaasay 29.4 sano, halka  dumarka  lagu qiyaasay iskucelcelis dhan 30.9 sano. [5] Sidoo kale fiiri Tirada Dadka

dhibaatooyinka ay ribbadu leedahay iyo sida ay usaamaysay bangiyada adduunka

Ribadu macnaheeda luqad ahaan waa siyaado (dulsaar) waxyaabo gaar ah sida Amaahda (daynta) iyo in labo shey la isku badalanaayo oo la kala badiyo iyadoo in la kala badiyo aanay ahayn. Ribadu waa labo nooc:  Ribaa Alfadli: waa ribada gasha raashinka iyo lacagaha isku midka ah . shuruuddana wa in la isla ekaysiiyaa iyo in markiiba la kala qaato.  Ribaa Al-nasii’ah: waa daynta lacageed oo la sii dulsaaro. Sanadahaan danbe dunida waxa ku soo badanayay bangiyada kuwaas oo sameeya dulsaar dhanka maalgashiga ama daynta dadka la siiyo taas waxa ay saaameyn aad u daran ku yeelatay dhaqaalaha adduunyada qaar badan oo banagyadaa ah waxa ay noqdeen kuwa suuqa ka baxa kaddib markii dhaqaalahoodu hoos u dhacay ayna awood u yeelan waayeen inay suuqa ku sii jiraan. Saamaynta ribada ku yeelatay dhaqaalaha iyo bulshada waxan ka xusi karnaa qodobadan:  Ribadu waxay yareysaa abuuritaanka ganacsiga yaryar, ribada marka ganacsatada yaryar soo qaataan waxaa la saraaa lacag dulsaar ah marka ay lacag

Taariikh-nololeedkii Prof. Maxamed C. Jawaari

Maxamed Sh. Cusmaan jawaari waxa uu 7dii bishii December ee sanadkii 1945tii ku dhashay degmada Afgoye ee gobolka Shabeelada Hoose. Dhinaca tacliinta sare, waxa uu sanadku markuu ahaa 1982 ka qalan jabiyey kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xiligaas ka horna qaatay shahaado macalinimo oo luuqadda Ingiriiska iyo dimploma sharciga Islaamka ah. Dhinaca shaqada waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii militariga ee Somalia, isaga oo Agaasime guud, xoghaye joogto ah iyo wasiirba ka soo noqday wasaarado dhowr ah. Waxa uu soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Dhulka iyo Cirka, waliba Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Dhinaca kale, waxa uu sanadkii 1970kii Guddoomiye kasoo noqday koox diyaarisay Sharciga Shaqada ee dalka Somalia, sharcigan oo looga gol lahaa dib u habaynta meelaynta shaqaalaha iyo qiimeynta xirfadleyda. Guddigani waxa uu xeerka sharciga shaqaalaha Somalia waafajiyey xuquuqda shaqaalaha ee caalamiga ah. Maxamed Sh. Cusmaan Jawa

qiso jacayl oo aad umurugo badan

Qiso Jaceyl Oo Murugo leh qasadani waxay ku dhaccday gabadh soomaaliyeed iyadaana ka sheekaynaysa waxayna ku bilawday: - Magaalada Balcad ee gobolka shabeelaha dhexe oo aan ku noolaa intii aan garaadsaday 4Jirkaygii ilaa 18-jirkaygii , halkaasoo aan ka bilaabay waxbarashadaydii aan ku dhamaystay, Mahad waxuu ka mid ahaa dhalinta aan isla jaan qaadnay in kastoo uu iga waynaa mudo 8 sanadood haddana sida aad ogtihiinba da’da raga iyo dumarka farqi baa u dhexeeya. Aan idiin Bilaabo dhacdada.   Aniga iyo Mahad waxaan ahayn laba qof oo ku soo barbaaray jacayl walaalnimo oo aad u fog iskuna xog iyo xuuraan ah, waayo waxaan ahayn deris isku degaan ah (Xaafad ah) waxaan ahaa walaashiis oo kale isaguna walaalkay oo kale. Waxaa dhacday habeen habeenada ka mid ah iyadoo xilli uu roob ka da’ayay deegaanka Balcad dhulka tigaadu buuxisay in uu iigu yimid gurigayga oo aan ka fogayn gurigooda wuxuuna ii sheegay in uu doonayo in aan aadno riwaayad socotay Habeenkaas oo ahayd {SHUMEEY} oo

Isbadal Saakay Muqdisho laga dareemayo kadib is Casilaadii Gudoomiye Jawaari

gudoomiyaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa saakay is casilay,waxaana is casilaada kadib baaqday kulan la filayay in Xildhibaanada ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ugana doodaan Mooshinka. Ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa xalay xiray wadooyin badan oo kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinkaasi la dhigay ciidamo badan oo amaanka xaqiijinaya. Kulankii ay ku balansanaayeen Xildhibaanada golaha shacabka loona xiray Wadooyinka Muqdisho qaarkood ayaa baaqday kadib markii ay soo baxday in uu is casilay Gudoomiyihii Baarlamaanka. Waxaa hada furmay inta badan Wadooyinka magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay u xirnaa xiisada ka dhax aloosan Baarlamaanka iyo kulamada la filayay in lagu qabto xarunta Baarlamaanka. Shacabka magaalada Muqdisho ayaana si weyn usoo dhaweeyay Go’aanka uu qaatay Jawaari uu isku casilay, waxa ayna shacabku sheegeen in hada ka harayo culees badan ay qabeen gaar ahaan xirnaashaha wadooyinka oo dhib badan lagu qabay.