Skip to main content

Posts

Showing posts from June 22, 2020

𝐋𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐉𝐚𝐜𝐚𝐲𝐥𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐝𝐚𝐧

𝐋𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐉𝐚𝐜𝐚𝐲𝐥𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐝𝐚𝐧 Had iyo jeer waxa aynu maqalnaa marka laga waramayo jacayl daran oo dhex mara laba qof oo soomaali ah ,in ay ugu horeeyeen cilmi boodhari iyo hodan. Haddaba, hal-abuur cabdilaahi saleebaan bidde oo ah, hal-abuur  leh suugaan(heeso) badan oo hirgaley ayna walaalo yihiin hal-abuurka kale ee caanka ah waa axmed saleebaan bidde e ayaa sheegay  in ey jireen lammaane ka horeeyey cilmi iyo hodan ,oo jacayl darani dhexmaray kuwaasi oo ahaa reer saylac lana kala odhan jirey muriyo iyo xuseen.  "Seylac geed baa ka baxay labadooda qabri, geedkii ayaana isku maran" ayuu yidhi Cabdullaahi Saleebaan Bidde oo u waramayey idaacada bbcsomali. Waa tan beydad kamid ah hees uu qaado xasan aadan samatar oo uu hal-abuuray cabdilaahi saleebaan bidde oo uu kaga waramayo arrinta aynu ka soo hadalney. “ Qarnigii Sagaalaad,     surinkuu jacaylkani,    Soomaali kaga yimid,    sow Seylac

XAASKII JENERAAL SEARE MOKENNEN OO CADAALAD DALBATAY

XAASKII JENERAAL SEARE MOKENNEN OO CADAALAD DALBATAY June 22, 2020   admin   Leave a comment Xaaska taliyihii guud ee ciidamada dalka Itoobiya Jeneraal Seare Mekonnen ee sanad kahor toogashada lagu dilay ayaa sheegtay inay ku guul daraysatay dadaalo ay ku doonaysay in ra’isal wasaare Abiy Axmed kula kulanto si ay wax uga ogaato baadhitaanada ku aadan dilkii loo gaystay saygeeda. “Waxaa la igu yidhi suuragal ma ahan”, Waxaa sidaas Laanta Afka Tigranyaga ee BBCda ku yidhi Col Tsege Alemayehu. Col Tsege ayaa sheegtay inaysan maqlin wax ku saabsan toogashadii loo gaystay saygeeda. “Sanad kahor waxaa la ii sheegay in qof laxidhay balse ma ogi waxa socda,” Ayay tidhi. Saygeeda, Gen Seare Mekonnen, ayaa toogasho lagu dilay, iyadoo dawladu ay ku eedaysay waxay ugu yeedhay inqilaab lala maaganaa gobolka Amxaarada. Jeneraal Seare Mekonnen oo ahaa taliyihii ciidamada qaranka Itoobiya waxaa dilay waardiyihiisii, markaas wuxuu isku dayayay in uu fashiliyo afgambiga sida ay dawlad