Skip to main content

Posts

Showing posts from May 4, 2018

Xukuumada DDSI Oo Deeq Raashin Ah Iyo Agab kale Oo kaladuwan Ugu Deeqday Bulshadii Uu saameeyay Fatahaada Wabiga Shabeele ee Deg Qalafo

qalaafo(tuliguuleed news)Khamiis 3da May 2018. xukuumada DDSI ayaa deeq isugu jirta raashin iyo agabkale gaadhsiisay qaarkamid ah bulshada kudhaqan degmada qalaafo kuwaas oo uu saamayn kuyeeshay fatahaadii wabiga shabeele islamarkaana uu fatahaada wabigu kasoo barakiciyay goobihii ay dagnaayeen. Iyadoo deeqdanina ay isugujirtay qaarkamid ah noocyada raashinka ah ee sida bur bariis qamadi iyo sonkor iyo waliba agabkale oo kala ah shiraacyo iyo weelasha cuntada. Hadaba, gargaarkan xukuumadu ugu deeqday bulshadaas ayaa waxaa warbaahinta uga waramay  Kusimaha Gudoomiyaha Degmada Ahna Madaxa Xafiiska Waxbarashada Degmada Qalaafo Mudane Maxamed Cumar Axmed  oo sheegay in maanta ay bulshada u qaybinayaan deeq raashin ah oo ay xukuumadu soo gaadhsiisay islamarkaana ka kooban bur, bariis, qamandi iyo sonkor. Iyo waliba agab kale oo kala ah shiraacyo iyo weelasha cuntada. Wuxuuna xusay in xukuumada DDSI ay jawaab degdeg ah kasoobixisay bulshadan uu saameeyay fatahaada wabigu islamarkaana xi