Skip to main content

Posts

Showing posts from August 5, 2019

Waxaa qoray faysal roble waxaana idinla wadaagay aniga oo ah cabdicasiis abiib mohamuud

Sheekada Maanta Mrakaanu aasaasaynay Wardheernews.com oo taariidhu ahayd 2004, anigaa ku darsaday hindishaha bogga “Talk of the Town,” ama Sheekada Maanta. Laba meelood ayaan fakirkaas ka keenay.  Berigaan yaraa een Jigjiga joogay waxaan si joogta ah u akhriyi jiray Addis Zaman. Bog waxay lahaan jirtay la odhan jiray “ka zihim ka zaam;” bimacni “faalo googoos” ah. Wargeys kale oon mudo dheer akhriyayey (The Atlantic Monthly) ayaa isna lahaa wax u eg “Talk of the Town,” ama “Sheekada Maanta.”  Hadaba, sheekada maantu waa maxay? Waa laba sheeko.  Midi waa Baadariga ugu weyn madhabada Orothokiska ah ee Bariga iyo Badhtamaha Afrika oo Jigjiga lagu soo dhoweeyey.  Tan labaad, waa Kusime Kuxigeenka MW (KKMW) DDS, Mustafa Cumar, oo daraja cusub uu nin Axmaar ahi ku sheegay. Arinka Kiniisada:  Waxay ila tahay in maalin taariikh ah ay noqondoonto August 4, 2019. Qaaciidada Orthodox waxay Afrika ka soo gashay dhinaca Alexandria ee Dalka Masar. Waxa la qiyaasaa in Xabashidu qaadatay mad