H alkaan waxaan jeclahay inaan uga hadalno  dhibaatada sigaarka cabidiisa uleeyahay jirka bani-adamka  .   Ilaahay subxaanahu wa tacaala markuu xaraantimeeyay cabida daroogada sida sigaarka iyo jaadka uma uu xaraamaynin ilaa uu u naxayo adoomadiisa sababtuna ay tahay in daroogadu ay waxyeelo daran u geysato xubnaha jirka qofka isticmaala .   Cabidda sigaarka waxay waxyeelo u gaysataa xubin kasta oo jirka kamid ah waxaana ugu horreya waa afka iyo ilkaha lagu cabaayo sigaarka .   Qiiqa ka imaanaya cabida sigaarka waxay marka ugu horeysa waxyeelo u gaysanaysaa ilkaha kaas oo dahaarka kore ee ilkaha u gaysanayso baab’a iyo madow ku sameeysma ilkaha kadibna ciridka ku keena caabuq iyo jeermis farabadan  , markays ii badato waxyeeladu ay sigaarku u gaysanaayo afka iyo ilkaha ayaa halkaas waxaa ka dhalanaya cudurka kansarka oo ku dhaca carabka iyo bushimaha gudaha iyo banaankeda , wuxuuna keenaya cudurka inuu sii faafo oo kansarka sii waynaado ilaa uu gaaro heer qofku raashin...