Skip to main content

DHIBAATADA CABIDDA SIGAARKA ULEEYAHAY JIRKA(tuli-guuleed news

Halkaan waxaan jeclahay inaan uga hadalno  dhibaatada sigaarka cabidiisa uleeyahay jirka bani-adamka  .
Ilaahay subxaanahu wa tacaala markuu xaraantimeeyay cabida daroogada sida sigaarka iyo jaadka uma uu xaraamaynin ilaa uu u naxayo adoomadiisa sababtuna ay tahay in daroogadu ay waxyeelo daran u geysato xubnaha jirka qofka isticmaala .
Cabidda sigaarka waxay waxyeelo u gaysataa xubin kasta oo jirka kamid ah waxaana ugu horreya waa afka iyo ilkaha lagu cabaayo sigaarka .
Qiiqa ka imaanaya cabida sigaarka waxay marka ugu horeysa waxyeelo u gaysanaysaa ilkaha kaas oo dahaarka kore ee ilkaha u gaysanayso baab’a iyo madow ku sameeysma ilkaha kadibna ciridka ku keena caabuq iyo jeermis farabadan  , markays ii badato waxyeeladu ay sigaarku u gaysanaayo afka iyo ilkaha ayaa halkaas waxaa ka dhalanaya cudurka kansarka oo ku dhaca carabka iyo bushimaha gudaha iyo banaankeda , wuxuuna keenaya cudurka inuu sii faafo oo kansarka sii waynaado ilaa uu gaaro heer qofku raashin qaadashadiisa ay yaraato ama ay istaagto si markaas qofka loo mariyo qaliin xagga afka ah oo kansarka lagu gooynayo
Dhibaatda uu sigaarku leeyahay waxaa cadeynaaya ururka caafimaadka aduunka  ( world health organization ) oo loo soo gaabiyo ( WHO) in 3 milyan oo qof sanadkastaa u geeriyoodaan waxyeelada uu geysto cabida sigaarka gaar ahaana uu kansarku sabab u yahay sidoo kale xubnaha jirka kale  uu waxyeelo u gaysto sigaarka waxaana kamid ah  sambabada iyo wadnaha iyo beerka iwm.
Jirka bani-admku markasta waxa uu ubaahanyahay oxygen ama hawo nadiif ah oo aan wax wasakh ah lahayn kadib oxygenkaas waa inuu raaco dhiiga ilaa uu wadnaha ka tago kadibana sidaas uu ku gaaro xubnaha kale ee jirka kadibna waxa uu qofku dib usoo celinayaa carbon dioxide
Oo ah hawo wasakh ah oo uu jirku soo isticmaalay kadibna qashin saar ahaan u soo saaray
Qofku markuu cabo sigaarka waxa uu qaadanaya carbon dioxide-kii uu jirkiisu qashin saar ahaan u soo saari lahaa taasina waxay waxyeelo u gaysanaysaa xubnaha jirka sida sambabka iyo gaar ahaan wadnaha oo marka danbe cudur ku yimaada halbowlayaasha iyo xididada dhiiga u qaada wadnaha kuwaas oo jirka dib ugu faafiya
maxaa yeelay sigaarku waxa uu ka sameysanyahay tobacco iyo maado  magaceed loo yaqaano nicotin oo ka kooban carbon dioxide
Dhibaatooyinka sigaarka qormadaydan kuma soo koobi karo laakin waxa loo baahnayahy qofka caba sigaarka inuu go’aansado marka hore joojinta gabi ahaanba isticmaalka sigaarka

Fikirkaada Waa Muhiim

Comments

Popular posts from this blog

Cafisku waa qayb kamida caafimaadka aadanaha W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka. Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada. Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay. Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay. 1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka. 2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo ...

8 Qodob Oo Kaa Dhigaya Qof Farxad Badan

Waxa had iyo jeer dadku raadiyaan in ay ku noolaadaan, nabad, nimco iyo farxad. Iyo in ay ka baxaan baahida ay qabaan ha ahaato mid dhaqaale, mid caafimaad iyo mid kalaba. Hadaba waxa jira dad haysta nolol fiican laakiin ay hadana dareemayaan in ay wax ka maqan yihiin. Si uu qofku u noqdo mid faraxsan kuna nool niyad wanaagsan ayaa waxa aanu qormadeena maanta kusoo qaadanaynaa 8 qodob oo aad ku heli kartid farxada niyada.1. Ku raaxayso nolosha xilyada fiican ee aad ku jirto. Dib u xusuuso xiliyadii wanaagsanaa ee ku soo maray, warqad ku qor oo akhri si aad u xusuusatid waqtigaas marka aad dareemayso niyad jab. 2. Hawl badan oo waqti badan kaa galo wax kasta waad ku gaadhi kartaa. Waxa aad meel ku qortaa 3 arimood oo aad muhiim kuugu ah oo aad rabtid in aad gaadhid iyo sida aad rabtid in aad ku gaadho. 3. Naftaada dhaqaalee. Samayo xili aad ku nasato sida adiga oo fadhiisanaya meel xeeba ah hawo macaan ka dhacayso. Waqti la qaado qoyskaaga ama saaxiibadaa. Qosolka iyo ilko cadayn...

Shirkii Qiimaynta waxqabadka gobolada iyo degmooyinka deegaanka oo furmay.

(tuli-guuleed news) jumce, 27ka April , 2018.Waxaa    magaalada jigjiga ee caasimada deegaanka gaar ahaan madasha shirarka    kaali 2aad ee xarunta madaxtoooyada    DDSI    ka furmay shirkii qiimaynta waxqabadka gobolada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI Haddaba, shirkan qiimaynta ah oo diirada lagu saarayo fulina qorshayaasha   horumarineed, nabadgalyo iyo maamulka suuban  ee u yaalay gobolada, degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI khaasatan qorshaha beer,biyaha, caafimaadka  ee baabaca (BBC) ayaa waxaa hogaaminayay  madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,   afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga ee  xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq  iyo  madaxwayne ku xigenka DDSI ahna wasiirka horumarinta beeraraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax warkan oo faah-faahsan warakayaga dambe ayaad kala socondoontaan.