Skip to main content

Waysadu miyey ku jabaysaa taabashad a Dumarka? W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

Culumada Islaamku way isku khilaafeen in waysadu ku jabayso ragga oo taabta dumarka ama haweenka oo taabta nimanka, wuxuuna khilaafkoodu ku salaysanyahay fahanka daliilada kusoo arooray arrintaas. Ilaahay wuxuu dhahay:
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا قُمْتُمْ إِلَى الصَّلَاةِ فَاغْسِلُوا وُجُوهَكُمْ وَأَيْدِيَكُمْ إِلَى الْمَرَافِقِ وَامْسَحُوا بِرُءُوسِكُمْ وَأَرْجُلَكُمْ إِلَى الْكَعْبَيْنِ ۚ وَإِن كُنتُمْ جُنُبًا فَاطَّهَّرُوا ۚ وَإِن كُنتُم مَّرْضَىٰ أَوْ عَلَىٰ سَفَرٍ أَوْ جَاءَ أَحَدٌ مِّنكُم مِّنَ الْغَائِطِ أَوْ لَامَسْتُمُ النِّسَاءَ فَلَمْ تَجِدُوا مَاءً فَتَيَمَّمُوا صَعِيدًا طَيِّبًا فَامْسَحُوا بِوُجُوهِكُمْ وَأَيْدِيكُم مِّنْهُ ۚ..
“Kuwa Ilaahay rumeeyoow markaad u kacdaan Salaada waxaad dhaqdaan wajiyadiina iyo gacmihiina ilaa suxulada, waxaadna masaxdaan madixiina (waxaad maydhaan) cagihiina ilaa canqowga (kuraankurta), hadaad janaabo qabtaan is daahiriya, ama haddii midkiin booqdo suuliga ama aad taabataan dumarka oo aydaan biyo helin ku gabogabaysta ciid/carro wanaagsan oo ku masaxa wajiyadiina iyo gacmihiinaba..” [Suuratu Al-maa’idah]
Meesha khilaafku ka yimid waa ereyga ah (Taabashada Dumarka), waxayna culumadu ku fasireen sadex qowl oo kala duwan:

Qawlka koowaad:

Taabashada dumarka way ku jabaysaa waysadu sidoo kale dumarka taabta nimanka way ka jabaysaa waysadii, ha ahaato taabashadaasi mid dareen keenay ama mid aan dareenba wadanin, ha noqoto mid badheedh ah ama mid kamo ahbee. Qawlkan waxa ku tagay madhabka Imaamu Shaafici, waxayna daliishadeen xadiisyo kale sida xadiiskan:
 ( وَالْيَدُ زِنَاهَا اللَّمْسُ ) رواه أحمد (8392)
“Gacanta zinadeedu waa taabashada” [Abudaawuud ayaa soo saaray, waxaana saxiixiyey Albaani]
Dabcan taabashada xadiiskan kusoo aroortay maaha taabashada looga jeedo galmo,  ee waa wixii ka hooseeya gogosha. Sidaas awgeed qawlkani wuxuu noqdayka ugu tamarta yar ee la cuskaday, wuxuuna dhahay Sheekhul Islaam ibnu Taymiyyah:
 ” إذا مس المرأة لغير شهوة فهذا مما علم بالضرورة أن الشارع لم يوجب منه وضوءاً ولا يستحب الوضوء منه ” الاختيارات (ص18)
“Haduu ninku taabto gabadh ayadoon aan wax dareen ah la soconin, taas sharcigu kumuu waajibinin wayso qaadasho iyo xitaa n la jeclaysto wayso qaadashadaba”

Qowlka Labaad:

Taabshadu ma jabiso waysada ha ahaato taabasho wadata dareen ama mid aan wadaninbee, waxaana qawlkaas ku tagay Imaam Abuxaniifa Ilaahay ha u naxariistee.
Waxayna dhaheen: Sida asalka ah qofku waa wayso qabayaa illamaa ay ka imanayso wax cadaynaya in waysadii ka jabtay, arrinka taabashada ku saabsana macnaheedu waa galmo, waxayana daliishadeen xadiisyo badan oo tilmaamaya inuu Nabigu xaaskii taabtay hadana aanu wax wayso cusub qaadanin, waxaana kamid ah:
عن عائشة رضي الله عنها قالت : ( كُنْتُ أَنَامُ بَيْنَ يَدَيْ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَرِجْلَايَ فِي قِبْلَتِهِ فَإِذَا سَجَدَ غَمَزَنِي فَقَبَضْتُ رِجْلَيَّ فَإِذَا قَامَ بَسَطْتُهُمَا ) رواه البخاري (382)
Caasha Ilaahay haka raali ahaadee waxa laga wariyey inay tidhi: “Anigu waxaan seexan jiray Rasuulka Ilaahay hortiisa ayadoo lugahaygu ay ku fidsanyihiin qibladiisa, markuu sujuudana wuu i qanjiidhin jiray (taaban jiray), markaasaan lugaha laaban jiray, markuu istaagana waan fidssan jiray” [Bukhaari:382]
Waxa kale oo ay daliishadeen xadiiskan:
عَنْ عَائِشَةَ أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَبَّلَ امْرَأَةً مِنْ نِسَائِهِ ثُمَّ خَرَجَ إِلَى الصَّلَاةِ وَلَمْ يَتَوَضَّأْ ) رواه أبو داود (179)
Caasha waxa laga wariyey in Nabigu (scw) dhunkaday mid kamid ah dumarkiisii, markaasuu u baxay salaada isagoon wayso qaadanin” [Abudaawuud:179]
Sidaas darteed waxay dhaheen: waysadu kuma jabayso taabasho.

Qawlka Sadexaad:

Hadii taabashadu wadatay dareen way jabaysaa, hadii aanay wax dareen ah wadanina ma jabayso. Waxaana qawlkan ku tagay Imaamu Maalik iyo Imaamu Axmed ibnu Xanbal. Waxayna qaateen daahirka aayada oo ay dhaheen taabashada waysadu way ku jabaysaa balse markii ay arken xadiisyada ay daliishanayaan qoloda diidan gabi ahaanba inaan taabasho wayso ku jabin ayey labada aragtiyoodba kulmiyeen oo waxay dhaheen hadii taabashadaas ay la socot dareen shahwadeed way jabaysaa waysadii hadii kalena ma jabayso.

Sida saxiixa ahna waxa weeye in taabashada aayada waxa looga jeeda (Galmo) sida kusoo aroortay aayada badan oo Quraanka kamid ah:
( يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا نَكَحْتُمُ الْمُؤْمِنَاتِ ثُمَّ طَلَّقْتُمُوهُنَّ مِن قَبْلِ أَن تَمَسُّوهُنَّ فَمَا لَكُمْ عَلَيْهِنَّ مِنْ عِدَّةٍ تَعْتَدُّونَهَا فَمَتِّعُوهُنَّ وَسَرِّحُوهُنَّ سَرَاحًا جَمِيلًا ) الأحزاب/49
“Kuwa Ilaahay rumeeyoow hadaad mahersataan mu’minaatka kadibna aad furtaan idinkoon aan taabanin (gogol la wadaagin) markaa wax cido tirsiya korkooda kuma lihidin, ee siiya lacagta (wixii aad awoodaan) oo sifiicana usii daayaa” [Axzaab:49]
Markaa aayadani waxay taabashada ka dhigtay galmo, sababtoo ah Ilaahay markuu ka hadlayo xidhiidhka gogosha ee nin iyo xaaskiisa dhex mara wuu maldahaa ama wuxuu adeegsadaa sarbeed iyo duurxul.

Uug Danbeyn:

Sadexda qawlba waxaynu ku kulminaynaa in dumarka la kala qaado, oo loo qaybiyo sadex nooc:
  1. Dumarka maxramkaaga ah hadii aad taabato wayso kaama jabayso, sababtoo ah sida caadiga ah ninku maxramkiisa wax dareen shahwadeeda ulama qasdiyo. Sidaas oo kale gabadhuna hadii ay salaanto ama taabato maxramkeeda sida aabaheed ama walaalkeed kama burayso waysadii.
  2. Xaaskaaga, ninku haduu u taabto xaaskiisa isagoo dareen shahwadeed uu waday markaa waysadii way ka jabaysaa, hadii kalena kama buraysaa, sidoo kale gabadhuna ninkeed hadii shahwad iyo dareen u taabato way ka buraysaa waysadii, hadii kalena maya.
  3. Dumarka ajaanibta ah iyo Ragga ajaanibta ah: Hadii gabadhu ay taabato nin ajnabi oo taabasho shahwadeed ay ahayd way ka buraysaa waysadaasi, hadii kalena kama burayso, ninkuna waa lam

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........