Skip to main content

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste.
1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee Gloucester (Henry William Frederick Albert) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska.
Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan sarkaalkaa Ingiriiska ah.
Hal abuurka, Maxamed Ismaaciil Baasarce “Balaayo-Cas” ama loo yaqaan “Barkhad Cas” isagoo diidan in ninkaas la soo dhaweeyo, sheegayana xumaanta
uu Gumaysigu leeyahay , wuxuu yidhi:ii
Iyada oo wacyi-gelinta noocaas ahi ay dadka reer Hargeysa madaxooda ka buuxdo ayuu madaarka Hargeysa ka soo degay ninkii la sugayay maalintii 28/5/59kii markaas bay dadkii reer Hargeysa ee qaabilaadiisa u soo baxay mar qudha ay dhabarka u jeediyeen iyaga oo u muujinaya in aanay wejigiisa arki
karin.
Haddaba, arrintaas oo ka dhalatay wacyi-gelintii afku dirirka ahayd ee uu Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud ka buuxiyay maskaxda dadweynaha run ahaan waxay ahayd tabaha iyo xeeladaha cusub ee gumaystayaasha lagula dagaalamo  ay soo kordhiyeen waana arrinta soo dedejisay gobanimo ku sheegii 1960kii Ilaahay ha u naxariisto marxuumka. Aamiin.
“Awowgey ninkii indhaha tiray
Ninkii aabbahay addoonsaday
Ninkii anigana i iibsaday
Ninkii ifka igu adduun tirey
Lidaan li’i baa ishaa i bidee
Haddaan ogohoon ka aarsan karayn
Haddaan, Aadanow, unuunka jarayn!
Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee
Aan ooyee albaabka ii xira!
Isagoo Iglan jooga buu i diloo
Ushuu soo fidshaa i iimaysoo
Waa taa aramidu i oofa tirtee
Asaag li’i baa ishaa i bidee
Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee
Aan ooyee albaabka ii xira!Arladii ka samroo adduun ma hayee
Haddii la ilaashay afkaygii
Haddaan ikhtiyaar aqoontay hadlayn
Haddaanan erey qudha shirkaa odhanayn
Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee
Aan ooyee albaabka ii xira!
Wixii arrineen Ilaahay jecleyn
Haddaanan addimada ku oolin karayn
Aayaadka Quraanka wada aragtoo
Udgoonena yidhi “Indhaha ka qarshee”
Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee
Aan ooyee albaabka ii xira!
Ugaadha ninkii dhaqdee ururshaa
Ruuxii eegayaa adduun ka baxshee
Raggiinnii ogaa horruu u arkee
Ninkii ooridiisa u geynahayow
Inkeeg iyo shaal ayuu ku arkine
Iimowdey axankaaga weynee!
Libaaxa Annayiyo Abaarso ka ciyey
Abuuriin lo’da joogta baa urisee
Oodday jebisaa in ay u dhacdoo
Anshaxuu markaa ka guraa idilkeed
Waa kaa Ingiriis iidahayee
Idinna u dabbaaldegoo ariyahow!
Ayaanu ninna oran “Soomaalaan ahee”
Ordoo magacana ka iibsada!

Comments

Popular posts from this blog

Cafisku waa qayb kamida caafimaadka aadanaha W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka. Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada. Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay. Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay. 1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka. 2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo ...

8 Qodob Oo Kaa Dhigaya Qof Farxad Badan

Waxa had iyo jeer dadku raadiyaan in ay ku noolaadaan, nabad, nimco iyo farxad. Iyo in ay ka baxaan baahida ay qabaan ha ahaato mid dhaqaale, mid caafimaad iyo mid kalaba. Hadaba waxa jira dad haysta nolol fiican laakiin ay hadana dareemayaan in ay wax ka maqan yihiin. Si uu qofku u noqdo mid faraxsan kuna nool niyad wanaagsan ayaa waxa aanu qormadeena maanta kusoo qaadanaynaa 8 qodob oo aad ku heli kartid farxada niyada.1. Ku raaxayso nolosha xilyada fiican ee aad ku jirto. Dib u xusuuso xiliyadii wanaagsanaa ee ku soo maray, warqad ku qor oo akhri si aad u xusuusatid waqtigaas marka aad dareemayso niyad jab. 2. Hawl badan oo waqti badan kaa galo wax kasta waad ku gaadhi kartaa. Waxa aad meel ku qortaa 3 arimood oo aad muhiim kuugu ah oo aad rabtid in aad gaadhid iyo sida aad rabtid in aad ku gaadho. 3. Naftaada dhaqaalee. Samayo xili aad ku nasato sida adiga oo fadhiisanaya meel xeeba ah hawo macaan ka dhacayso. Waqti la qaado qoyskaaga ama saaxiibadaa. Qosolka iyo ilko cadayn...

Shirkii Qiimaynta waxqabadka gobolada iyo degmooyinka deegaanka oo furmay.

(tuli-guuleed news) jumce, 27ka April , 2018.Waxaa    magaalada jigjiga ee caasimada deegaanka gaar ahaan madasha shirarka    kaali 2aad ee xarunta madaxtoooyada    DDSI    ka furmay shirkii qiimaynta waxqabadka gobolada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI Haddaba, shirkan qiimaynta ah oo diirada lagu saarayo fulina qorshayaasha   horumarineed, nabadgalyo iyo maamulka suuban  ee u yaalay gobolada, degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI khaasatan qorshaha beer,biyaha, caafimaadka  ee baabaca (BBC) ayaa waxaa hogaaminayay  madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,   afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga ee  xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq  iyo  madaxwayne ku xigenka DDSI ahna wasiirka horumarinta beeraraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax warkan oo faah-faahsan warakayaga dambe ayaad kala socondoontaan.