Skip to main content

Posts

Showing posts from April 12, 2018

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay abuurtay xiisad aan loo baaheyn,

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta  Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay abuurtay xiisad aan loo baaheyn, kaddib markii axadii la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay mid ka mid ah diyaaradaha Imaaraadka Carabta oo siday lacago mallaayiin doollar ah. Waxaa uu ku eedeeyay dowladda hada jirta inay sameysay xadgudubyo heshiisyadii iyo is fahamkii ka dhaxeeyay Imaaraadka Carabta. “Xukuumadda Soomaaliya ee xilligan waxa ay ku sameysay xadgudubyo badan hababka iyo isfahanno hore oo sal adag oo ay la gashay dowladda Imaaraadka, waxaa ay abuurtay caqabado aan loo baahnayn in loola bareero saaxiib iyo isbaheysi u istaagay deganaanshaha iyo ammaanka Soomaaliya xilli aad u xun, waxaa aan ugu baaqeynaa in garaadka iyo caqliga uu shaqeeyo”ayuu yiri Anwar Gargash qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in diyaaradii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho Axadii la soo dhaafay ay siday lacag gaareysa $ 9.6

Imaaraatka Carabta Oo Ka Hadlay Lacagtii Ay Garoonka Muqdisho Ku Qabatay DF Somalia

Warsaaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Isutaga Imaraadka Carabata ayaa si xoogan loogu cambaareeyay Qabashadii Diyaarad Rakaab ah oo siday lacag laga lahaa Dalka Imaraatka taas oo Ciimada Dowladda Feredaalka Soomaaliya ay Axadii la soo dhaafay Ku qabteen Garoonka Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay in diyaarad sida lacag dhan 9.6 Million oo dollarka Maraykanka ah la qabtay xilli lacagtaasi ay u qoondeeyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Tababarayaashooda. Warbixinta ayaa sidoakle lagu sheegay In Shaqaalihi la socday Diyaaradaisi Qoryo ay ku qabteen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya Islamarkaana ay u hanjabeen. Waxaana Imaaraatka ay tillaabadaasi ku tilmaamtay in ay tahay mid sharci darro ah oo Dhaawacaysa Xiriirka Diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal, islamarkaana ay waxyeeleynayso sii socoshada heshiis Isfahan ah oo ay horey u wada gareen labada dal Somalia iyo

Geeraar jacayl ah

Mid Naftayda miratoo Qalbigan ku milantoo Oo maan la moodaa Meeshii aan marayba ii muuqaneesoo Aan kamaarmi waayaay Igu maa xaaneeseee Mahuraankii nolashaa Ma dhaafaankii dumarkiyo Marwadii kalgacalkaay Maankayga deeqdaay Mar waxaan iraahdaa Waa mid xuuralcaynoo Marna waxaan iraahdaa Ifka tani ma jooginee Muleeqa markale timid Mawlaha ilaahay Maamulaaya aduunyada adna Kugu maray qurux Anna Malab dushaadiyo Macdan igu kaa waran Midibkaaga nuurka leh Maariinka dheeha leh Maaraha xubnahaiyo Marmarka iyo canbaaryaha Mar waxaan ku moodaa Hablahii makaadiyo Marna waxaan ku moodaa Mayqaaaso roobaad Ka dhaxmuuqaneesaa Mawlaha ilaahay Maamulaaya aduunyada adna Kugu maray qurux Anna Malab dushaadiyo Macdan igu kaa waran