Skip to main content

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay abuurtay xiisad aan loo baaheyn,

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta  Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay abuurtay xiisad aan loo baaheyn, kaddib markii axadii la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay mid ka mid ah diyaaradaha Imaaraadka Carabta oo siday lacago mallaayiin doollar ah.
Waxaa uu ku eedeeyay dowladda hada jirta inay sameysay xadgudubyo heshiisyadii iyo is fahamkii ka dhaxeeyay Imaaraadka Carabta.
“Xukuumadda Soomaaliya ee xilligan waxa ay ku sameysay xadgudubyo badan hababka iyo isfahanno hore oo sal adag oo ay la gashay dowladda Imaaraadka, waxaa ay abuurtay caqabado aan loo baahnayn in loola bareero saaxiib iyo isbaheysi u istaagay deganaanshaha iyo ammaanka Soomaaliya xilli aad u xun, waxaa aan ugu baaqeynaa in garaadka iyo caqliga uu shaqeeyo”ayuu yiri Anwar Gargash qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka
Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in diyaaradii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho Axadii la soo dhaafay ay siday lacag gaareysa $ 9.6 milyan, oo loogu tala galay Ciidamada Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baareyso halka lacagta u socotay, meesha ay ka timid iyo danta laga lahaa, iyadoo lacagtaas oo saddex boorso ku jirtay la geeyay Bankiga Dhexe.
Xiriirka labada dal oo bilihii la soo dhaafay waxooga mugdi ku jiray ayaa hada meel xun gaaray, waxaana xiisad diblomaasiyadeed ay sii xoogeysatay, maalintii Axadii, xilligaasoo diyaarad Imaaraadka Carabta laheyd oo lacag waday lagu qabtay garoonka, waxaana tallaabadaas cambaareysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........