Skip to main content

Posts

Showing posts from June 26, 2020

Addis Ababa: Boolis iyo Burcad hubeysan oo isku rasaaseeyey cabdicasiis abiib mohamuud

Addis Ababa: Boolis iyo Burcad hubeysan oo isku rasaaseeyey Saacad ka hor XIGASHADA SAWIRKA, FERERAL POLICE Booliska caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegay burcad hubeysan iyo booliska rasaas ay isweydaarsadeen inuu hal qof ku dhintay hal qofna uu ku dhaawacmay. Boolisku waxay sheegeen burcad hubeysan oo ka koobnaa siddeed xubnood iney weerareen isla-markaana ay dhac u geysteen guri ay degganaayeen muwaaddiniin u dhashay dalka Shiinaha. Guriga ay burcadda dhaca u geysteen oo ku yaallay xaafadda Ruwaandha ee magaalada Addis Ababa waxaa markiba soo gaaray qaar ka mid ah booliska Federaalka dalkaasi. Bolisku marki ay burcadda u sheegeen iney isdhiibaanna ay raggi burcadda ahaa diideen isla-markaana ay booliska rasaas ku fureen sidaasina ay labada dhinac ku dhex martay israsaaseyn xoogaha socotay. Waxaana halkaasi lagu dilay mid ka mid ah raggi burcadda ahaa, mid kalana lagu dhaawacay iyada oo ay 6 ka mid ah burcaddana booliska gacanta ku dhigeen.  Yaa iska leh Webiga Nile -