Skip to main content

Posts

Showing posts from May 16, 2020

sheeko garaadkii bartiraha garaad wiil waal waa sheeko murtideeda wadata CABDICASIIS ABIIB MOHAMUUD

Qiso Gaaban: Wiil Waal iyo Cali Lugo Goroyo ma Horaaddaa mise waa Dambeeddo Baribaa waxaa jiray boqor caan baxay oo Soomaaliyeed oo ka talin jiray degaanka Jigjiga caasimadda u tahay. Waxaa boqorkaa la odhan jiray Garaad Wiil Waal wuxuuna ahaa nin aragti soofaysan, aftahanimo, iyo hogaamin aad u heer sarraysana Alle weyne ku manaysatay. Wuxuu dagaal galaa-bixin jiray niman Galla ah oo uu dhul badan ka furtay. Wuxuu ahaa nin weedhiisu ka socoto degaanka u dhexeeya Herar iyo Jigjiga iyo dhulalka dariska la ah. Colaad iyo nabadgelyaba wuxuu ahaa hormuud Soomaaliyi ku dhaarato gabyaa culusna ah. Saldano taam ah iyo tol aad u tanaaday oo xoog badan markii uu isku hubsaday ayuu is cajabiyey oo wuxuu isku qanciyey inaan Bartire nin la aragti ah ama kusoo dhaw ku jirin. Sidoo kale waxaa jiray wiil dhalin yar oo qeyrada Garaadku ka dhashay ahaa Ilaahayna dadka wax walba uma siminee ku manaystay bidhaan, hadal macaan, aftahanimo, iyo garasho heer sare ah. Cali ayuu ahaa magaciisu. Wux