Skip to main content

Posts

Showing posts from June 11, 2018

Dareenka Maalinta Ciida iyo Carruurta aan helin fursada farxada Maalinta Ciida Ramadaan

Hordhac Walaalayaan waxaan ku jirnaa Bishii barakeysend ee Ramadan oo aynu khayraadka ku jira ka wada dheregsanahay waxna inagu seeganeyn. Hadaba ujeedayda Maduucan waa inaan is waydiino xidhiidhka farxadeed ama murugo ee ka dhexeeya carruurta iyo ciida bishan ramadan Carruurta Somalidu aad ayey ugu xisaabtamaan bisha RAMADAN sababtoo ah labada ciidood ee ciidul fidri iyo carafo waxaa carruurta ugu jira fursado aaney ka helin wakhtiyada kale. Sidaan ognahay, bulshada islaamka waxay xusnaa una dabaal degnaa labada ciidood (ciidul fidri iyo Ciidul carafo). Dabaal degyadaa waxaa ka mida inaan carruurta u iibino dhar iyo  kabo cusub , waxyaalo ay ku ciyaaraan sharaab, xaqal ciid, waxaynu u dalxiis gaynaa meelo cusub si ay farxad ugu ciidaan maalmaha ciida. Sidaaawgeed labada ciidood waa maalmaha kaliya ee ay carruurta somalidu ku xisaabtamaan. Mida kale dadka somalidu sidey u badan yihiin duruufo dhaqaale dartood,  labada ciidood gaar ahaan ciida soonfureed(ciid firdri) waa mark