Skip to main content

Posts

Showing posts from April 21, 2018

Macalimiinta Maadada Milgaha Qaranka Iyo Anshaxa Oo Tababar Loo Qabtay

Jumce, 20ka Aprill 2018. Waxaa si rasmi ah deegaanka  uga bilawday  tababar kor loogu qaadayo garaadka aqoomeed ee dhamaan  barayaasha maadada  milgaha qaranka iyo anshaxa ee ka hawlgala dugsiyada ku kalayaala guud ahaan deegaanka heer deegaan ilaa heer-qabale. Kuwaas oo tababarka ku kala qaadanaya 7 goobood oo deegaanka ah  oo kala ah jigjiga, dhagaxbuur, qabridahar, godey, wardheer, hargeele iyo fiiltu. Iyadoo macalimintanina ay tiradoodu kor udhaafayso 3900 oo macalin Hadaba, magaalada jigjiga oo kamid ah goobaha uu tababarku ka bilawday maanta ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay  Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad  oo halkaas ka soojeediyay khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa islamarkaana kusaabsan muhiimada maadada milgaha qaranka iyo anshaxa iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in kor loo qaado garaadka aqoomeed ee barayaasha maadadaasi. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhamaan macalimiinta iyo dhamaan shaqaa