Skip to main content

Macalimiinta Maadada Milgaha Qaranka Iyo Anshaxa Oo Tababar Loo Qabtay

Jumce, 20ka Aprill 2018. Waxaa si rasmi ah deegaanka  uga bilawday  tababar kor loogu qaadayo garaadka aqoomeed ee dhamaan  barayaasha maadada  milgaha qaranka iyo anshaxa ee ka hawlgala dugsiyada ku kalayaala guud ahaan deegaanka heer deegaan ilaa heer-qabale. Kuwaas oo tababarka ku kala qaadanaya 7 goobood oo deegaanka ah  oo kala ah jigjiga, dhagaxbuur, qabridahar, godey, wardheer, hargeele iyo fiiltu. Iyadoo macalimintanina ay tiradoodu kor udhaafayso 3900 oo macalin
Hadaba, magaalada jigjiga oo kamid ah goobaha uu tababarku ka bilawday maanta ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo halkaas ka soojeediyay khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa islamarkaana kusaabsan muhiimada maadada milgaha qaranka iyo anshaxa iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in kor loo qaado garaadka aqoomeed ee barayaasha maadadaasi.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhamaan macalimiinta iyo dhamaan shaqaalaha kaladuwan ee sectorka waxbarashada uu waajib balaadhani saaran yahay. Kaas oo ah kamidho dhalinta qorshayaasha uyaala heerarka kalduwan ee bahada waxbarashada iyo waliba sidii deegaanku uga horumari lahaa dhanka waxbarashada. Taasina  ay tahay mida kali ah ee sahli karta horumar waara. Maxaa yeelay waxbarashadu waxay doorka ugu muhiimsan kaciyaartaa kor ukaca dhaqaalaha iyo horumar waara. Sidookalana wasiirka ayaa kula dardaarmay barayaasha in macalin kasta uu kasoobaxo waajibaadka baranimo ee looga baahan yahay iyo waliba sidii uu u tayayn lahaa maadadiisa si ardaydu u noqoto arday tayo leh. Wuxuuna wasiirku carabka kudhuftay in si fiikcan loo qaato tababarka maalmaha kooban ee uu socon doono.
Dhankakale, Gadh Wadeenka Geedisocodka Waxbarashada Milgaha Qaranka Iyo Anshaxa Ee Xafiiska Waxabarshada DDSI Marwo Farxiya Cabdulaahi Khaliif oo iyadna dhankeeda kahadshay ayaa sheegtay in tababarkani uu yahay mid aad muhiim ugu ah barayaasha islamarkaana lagu kobcinayo aqoonta barayaasha maadada milgaha-qaranka iyo anshaxa. Waxayna xustay in tababarkani uu maanta si iskumid ah ugu bilawday dhamaan macaliminta maadada milgaha qaranka  kuwaasoo tiradoodu kabadan tahay 3900 oo macalin. Kuna kalaqaadanaya 7 senter.
Iskusoowada duuboo, tababarkan ayaa ah markii koobaad ee noociisan ah oo labixiyo wuxuuna si iskumid ah ugu bilawday dhamaan macalimiinta dalka oo dhan ee ah macalimiinta maadada milgaha qaranka. Waxaana laga filayaa barayaasha kadib markii uu dhamaadop tababarku in faaiido badan ay kadhaxlaan.


Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........