Skip to main content

Posts

Showing posts from June 30, 2020

ITOOBIYA OO QIIQ IYO UURO KABAXAYSO

ITOOBIYA OO QIIQ IYO UURO KABAXAYSO June 30, 2020   admin   Leave a comment Addisababa(RNN) – Saaka Oromadii oo kagadoodsan fanaankii ladilay ee Hajaaluu Hundesa ayaa waxay dhaqdhaqaaq xoogan ka bilaabeen gudaha Addisababa, waxayna gubeen kaalmihii shidaalka, taaladii Minilik, ganacsigii iyo Huteeladii waawaynaa ee ay qowmiyada Amxaaradu kulahayd Addisababa. Wadooyinkii Addisababa galayay iyo kuwii kabaxayay intaba xalaynimo ayay sii xidheen waxayna dab qabadsiiyeen dhamaan gaadiidkii safarada iyo kuwii xamuulka ee kasoo baxay saaka magaalada addisababa iyagoo gaar ahaan bar tilmaameedsanayay gaadiidka Amxaaradu leedahay. Naf badan iyo maal badan ayay burburiyeen. Goobjoogeyaal Addis ababa ku sugan waxay noo sheegeen inay Addisababa saacado yar gudahood muuqaal ahaan qiiq iyo olol isu badashay islamarkaana ay maydad badan oo dad shacab ahi wadhan yihiin laamiyada magaalada iyagoo dadkaas lalaayay noogu sheegay inay ahaayeen dad Amxaaro ah oo labeegsaday, guryahoodiina lagubay. Dhanka k

Fanaan geeridiisa laga cabsi qabo inay xasilooni daro ka abuurto Itoobiya

LA WADAAG Fanaan geeridiisa laga cabsi qabo inay xasilooni daro ka abuurto Itoobiya BBC Copyright: BBC Fanaan caan ka ahaa dalka Itoobiya oo lagu magacaabay Hachalu Hundessa, ayaa lagu toogtay caasimadda Addis Ababa. Waxaa isla markiiba la geeyay isbitaalka balse wuxuu u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray. Ra,iisal waasare Abiy Ahmed ayaa ka tacsiyeeyey geerida Hachalu isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa heesaa “cajiib ah”. Heesaha uu fanaankan qaadi jiray ayaa badanaa wuxuu uga hadli jiray xoriyadda iyo xuquuqda qowmiyadda Oromada. Waxaa jira walaac laga qabo in dilkiisa ay dalkaasi ka abuurto xasilooni daro. Booliska ayaa sheegay inay xireen dad ay ku tuhunsanyihiin dilka fanaanka. Social embed from twitter