Skip to main content

Posts

Showing posts from July 14, 2020

Biya Xidheenka GERD oo Lasheegay Inay Biyo Badani Galeen.

B iyo xidheenka gerd oo lasheegayo inay biyo badani galeen July 14, 2020   admin Tuliguuleed|NEWS sawiro lagu qaaday aalada Satelliteka ayaa muujinaya in biyo xidheenka muranka badan dhaliyay ee itoobiya ka dhisayso Wabiga Nile ay biyo badani gudihiisa galeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in arintani ay muujinayso in itoobiya bilawday buuxinta muga biya xidheenka halka qaar kalana ay tibaaxayaan inay sababtay roobab mahiigaana oo dhulkaasi buuralayda ah ka da,ay. Wadahadalo 11 bari socday oo u dhexeeyay itoobiya, masar iyo sudan ayaan wax guul ah laga gaadhin sida uu sheegay wasiirka biyaha iyo tamarta itoobiya Eng. Seleshi. Wasiirka arimaha dibada Masar  Sameh Shoukry oo saxaafada wadankaasi lahadlay ayaa sheegay in masar ay ku qasbantahay inay jawaab ka bixiso talaabokasta oo yaraynaysa qulqulka biyaha wabiga ee masar gaadha. Lama oga sida uu xaalka masar, itoobiya iyo sudan ku danbayn doono.

MASAR OO BOOQASHO QARSOODI AH KUTIMID SOMALILAND

MASAR OO BOOQASHO QARSOODI AH KUTIMID SOMALILAND July 14, 2020   admin   Leave a comment Hargeysa(RNN) – Wafti kasocda dalka Masar ayaa todobaadkan soo gaadhay Somaliland kuwaasi oo lakulmay saraakiil katirsan xukuumada Somaliland. Socdaalka waftigan oo aan lashaacinin ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili uu muran adag ka taagan yahay xaalada wabiga Nile ee udhexeeya Itoobiya iyo Masar. Khaalid Foodhaadhi