Skip to main content

Posts

Showing posts from May 9, 2020

FAA’IDOOYINKA AKHLAAQDA WANAAGSAN ISLAAMKA GUDAHI BY cabdicasiis abiib mohamuud

FAA’IDOOYINKA AKHLAAQDA WANAAGSAN ISLAAMKA GUDAHI Waxay leedahay dabeecadda wanaagsan xagga islaamka faa’idooyin badan iyo waxyaalo uu ku gaar yahay, waxaana ka mid ah: Dabeecadda wanaagsan kuma gaar ah nooc ka mid ah dadka. Allaah wuxuu abuuray dadka oo leh muuqaallo iyo midabbo iyo afaf kala duwan, wuxuuna ka yeelay xagga miisaanka Ilaahay kuwa siman aan qofna qof kale waxba dheereyn marka laga reebo iimaankiisa iyo Alle ka cabsigiisa iyo toosnaantiisa, sida uu Allaah Kor ahaaye yiri: }يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللهِ أَتْقَاكُمْ{(الحجرات: 13). “Dadow! Hubaal Waxaanu idinka abuurnay lab iyo dhedddig, oo idinka dhignay shucuub iyo qabaa’il si aad isu aqoonsataan, hubaal, kan idiinku sharaf badan (gobsan) Allaah agti waa kan idiinku Alle ka cabsiga badan (iyo dhowris xilka uu idin saaray)”. (Al-Xujuraat: 13) Dabeecadda san waa astaanka xiriirka musl