Skip to main content

Posts

Showing posts from May 12, 2018

Ganacsiga casriga ah ee adeegsiga Internet ka W/Q CABDICASIIS ABIIB MOHAMUUD

Ganacsiga iyo adeegsiga technology yada casriga ahi waxay aad u socotay una sii kacaysay kor sanadahan dambe hadaba waa maxay faa iidada ganacsiga la adeegsanayo aalada loo yaqaan internet ka iyadoo loo isticmaalayo dari iqada loo yaqaan (world wide web ) ee loo soo gaabiyo (www)ka oo ah ta sahasha in ganacsade kastaa hada isku dayi karo inuu yeesho god uu ku iibsho ganacsigiisa halka uu markii hore ahayd inuu ku ekaado ganacsigiisu meesha uu ku leeyahay xarumo oo qofkii u yimaada ama dagan meeshaa uu xarumaha ku leeyahay intaas ka bacdina ay noqotay in ganacsigii loo helo habka wada xidhiidhka ee adeegsiga telefoonada oo qofka dalab raba u sahashay inuu alaab ka soo dalbado xarun heblaayo soona dirsado lacagta isna loo soo diro marka hashiis laga wada gaasho balse intaas oo dhan waxa ka soo daba shaac baxday tiknoolojiyad casi oo loo yaqaan business on line oo hadakaliya qofka uu ku iibsanyo alaabtiisa dalab ka internet ka uu ka dalbanayo isago isticmaalaya credit card isla markaas

soonka iyo fadligiisa W/Q عبدالعزيز ابيب محمود CABDICASIIS ABIIB MOHAMUUD

Soonka Iyo Fadliga Ramadaanka Qaybta  | 1aad Taxanaha Ramadaanka Asalamu caleykum yaa muslimiin! Sidaa dhamaantiin la wada socotaan waxaa fooda nagu soo haya bishii barakeysneyd {Ramadan}. Marka waxaa is tusay inaan mawduucyo ka hadlaaya soonka iyo bisha bareykeysan aan halkaan idin kula qeybsado, oo aan dad u wada diyaar ah noqono bishaan iyo shaqada nalaka rabo haddaan nahay muslimiin. Ee fadlan ku aqrisada faham wacan iyo qalbi xaadir ah: Muxuu Yahay Soon….. ? Soonku waa tiirka afaraad ee shanta tiir ee Islaamka. Wuxuuna ka mid yahay cibaadooyinka kuwa ugu fadliga badan. Sharciguna wuxuu soon u yaqaannaa in soon la niyaysto iyadoo Alle loogu dhowaanayo, lagana reebtoomayo oo la iska daynayo waxyaabaha soonka burriya, inta u dhexaysa marka waagu baryo iyo marka qorraxdu dhacdo. Si loo helo oo loo gaaro ajarka wayn oo Ilaaheey uu ugu talagalay addoomadiisa soonka la yimaada, haddii aan lala imaan niyada soonka, ama aan laga reebtoomin waxyaabaha soonka buriya, sharciga Is