Skip to main content

Ganacsiga casriga ah ee adeegsiga Internet ka W/Q CABDICASIIS ABIIB MOHAMUUD

Ganacsiga iyo adeegsiga technology yada casriga ahi waxay aad u socotay una sii kacaysay kor sanadahan dambe hadaba waa maxay faa iidada ganacsiga la adeegsanayo aalada loo yaqaan internet ka iyadoo loo isticmaalayo dari
iqada loo yaqaan (world wide web ) ee loo soo gaabiyo (www)ka oo ah ta sahasha in ganacsade kastaa hada isku dayi karo inuu yeesho god uu ku iibsho ganacsigiisa halka uu markii hore ahayd inuu ku ekaado ganacsigiisu meesha uu ku leeyahay xarumo oo qofkii u yimaada ama dagan meeshaa uu xarumaha ku leeyahay intaas ka bacdina ay noqotay in ganacsigii loo helo habka wada xidhiidhka ee adeegsiga telefoonada oo qofka dalab raba u sahashay inuu alaab ka soo dalbado xarun heblaayo soona dirsado lacagta isna loo soo diro marka hashiis laga wada gaasho balse intaas oo dhan waxa ka soo daba shaac baxday tiknoolojiyad casi oo loo yaqaan business on line oo hadakaliya qofka uu ku iibsanyo alaabtiisa dalab ka internet ka uu ka dalbanayo isago isticmaalaya credit card isla markaasna alaabtiisa ku helaya halka uu ku sunto address ka loogu soo hagaajinayo .
hadaba habka ganacsiga noocan ah ayaa loo yaqaan e commerce ama (electronic commerce ) kaasoo noqday ka maanta ganacsiga dunida kala wada. Axdiga ganacsiga electronic ga ee looyaqaan the federal Electronic Signatures Act (2000) Ee la dajiyay sanadii labada kun ayaa lagu duugay inuu yahay ansax ku ganacsiga habka adeegsiga internetka ama e commerce iyadoo qofku uu lacagtiisa ku samayn karo iib ama iibsasho oo la xidhiidha ganacsiga xorta ah oo nooc kastaah ,waxa uu xeer kani qeexayaa in qofku uu u adeegsan karo xataa saxeexiisa calaamadiisa ganacsi ama wixii lahalmaalaba. Ku ganacsiga electronic gu waxa uu soo if baxay si aayara sanadu markay ahayd 1990 kii Sanadu markay ahayd 1998 ayaa waxa lagu qiyaasay ku ganacsi gu isticmaalkiisu inuu marayay xadiga lacagaha la isu mariyay 7.2 billion kaasoo ahaa laban lab ka sanadkii ka horeeyey ee 1997. Waxa layidhaa waxa ugu badnaa ee loo adeegsado online product order ka waxa loo yaqaan waxa ugu badnaa ilaa hadana xaga hore kaga jira iibka buugaag ta ,website ka ku can baxay buug iibinta habka online ka website ka la yidhaa www.amazon.com kaas oo bilaabay sanadu markay ahay 1995 kii ,meelaha kale ee aad loogu adeegsaday waxa ka mid ah goosashada tigidhada oo iyagana u sahashay qofka in meel kasta uu ka goosto una save garaysay wakhtiga ku bixin lahaa tigidh doonasho balase hada waxaan odhan karnaa waxa loo adeegsay wax walba .
Diyaarintii cabdicasiis Abiib mohamuu (waafi)
wajaale  somaliland 

Comments

Popular posts from this blog

Cafisku waa qayb kamida caafimaadka aadanaha W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka. Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada. Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay. Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay. 1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka. 2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo ...

8 Qodob Oo Kaa Dhigaya Qof Farxad Badan

Waxa had iyo jeer dadku raadiyaan in ay ku noolaadaan, nabad, nimco iyo farxad. Iyo in ay ka baxaan baahida ay qabaan ha ahaato mid dhaqaale, mid caafimaad iyo mid kalaba. Hadaba waxa jira dad haysta nolol fiican laakiin ay hadana dareemayaan in ay wax ka maqan yihiin. Si uu qofku u noqdo mid faraxsan kuna nool niyad wanaagsan ayaa waxa aanu qormadeena maanta kusoo qaadanaynaa 8 qodob oo aad ku heli kartid farxada niyada.1. Ku raaxayso nolosha xilyada fiican ee aad ku jirto. Dib u xusuuso xiliyadii wanaagsanaa ee ku soo maray, warqad ku qor oo akhri si aad u xusuusatid waqtigaas marka aad dareemayso niyad jab. 2. Hawl badan oo waqti badan kaa galo wax kasta waad ku gaadhi kartaa. Waxa aad meel ku qortaa 3 arimood oo aad muhiim kuugu ah oo aad rabtid in aad gaadhid iyo sida aad rabtid in aad ku gaadho. 3. Naftaada dhaqaalee. Samayo xili aad ku nasato sida adiga oo fadhiisanaya meel xeeba ah hawo macaan ka dhacayso. Waqti la qaado qoyskaaga ama saaxiibadaa. Qosolka iyo ilko cadayn...

Shirkii Qiimaynta waxqabadka gobolada iyo degmooyinka deegaanka oo furmay.

(tuli-guuleed news) jumce, 27ka April , 2018.Waxaa    magaalada jigjiga ee caasimada deegaanka gaar ahaan madasha shirarka    kaali 2aad ee xarunta madaxtoooyada    DDSI    ka furmay shirkii qiimaynta waxqabadka gobolada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI Haddaba, shirkan qiimaynta ah oo diirada lagu saarayo fulina qorshayaasha   horumarineed, nabadgalyo iyo maamulka suuban  ee u yaalay gobolada, degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI khaasatan qorshaha beer,biyaha, caafimaadka  ee baabaca (BBC) ayaa waxaa hogaaminayay  madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,   afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga ee  xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq  iyo  madaxwayne ku xigenka DDSI ahna wasiirka horumarinta beeraraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax warkan oo faah-faahsan warakayaga dambe ayaad kala socondoontaan.