Skip to main content

soonka iyo fadligiisa W/Q عبدالعزيز ابيب محمود CABDICASIIS ABIIB MOHAMUUD

Soonka Iyo Fadliga
Ramadaanka

Qaybta | 1aadTaxanaha Ramadaanka

Asalamu caleykum yaa muslimiin! Sidaa dhamaantiin la wada socotaan waxaa fooda nagu soo haya bishii barakeysneyd {Ramadan}. Marka waxaa is tusay inaan mawduucyo ka hadlaaya soonka iyo bisha bareykeysan aan halkaan idin kula qeybsado, oo aan dad u wada diyaar ah noqono bishaan iyo shaqada nalaka rabo haddaan nahay muslimiin. Ee fadlan ku aqrisada faham wacan iyo qalbi xaadir ah:
Muxuu Yahay Soon….. ?
Soonku waa tiirka afaraad ee shanta tiir ee Islaamka. Wuxuuna ka mid yahay cibaadooyinka kuwa ugu fadliga badan. Sharciguna wuxuu soon u yaqaannaa in soon la niyaysto iyadoo Alle loogu dhowaanayo, lagana reebtoomayo oo la iska daynayo waxyaabaha soonka burriya, inta u dhexaysa marka waagu baryo iyo marka qorraxdu dhacdo. Si loo helo oo loo gaaro ajarka wayn oo Ilaaheey uu ugu talagalay addoomadiisa soonka la yimaada, haddii aan lala imaan niyada soonka, ama aan laga reebtoomin waxyaabaha soonka buriya, sharciga Islaamka uma aqoonsanayo in waxaa lala yimid ay yihiin soon sharci ah.
Sidaa daraadeed qofka muslimka ahi isagoo aan niyo la imaan haddii uu iska daayo waxyaabaha soonka jabiya oo dhan, sida cunidda, cabidda iwm, falkaa uu la yimid iyo rafaadkaa uu maray ma noqonayo mid loogu dhowaado Alle Subxaanahu Watacaalaa (SW), ajarna kama helayo. Sida tusaale ahaan: dadka cunta joojinta sameeya marka ay rabaan inay ka ashtakoodaan dhib ay tabanayaan, ama dadka raba inay iscaateeyaan, amaba duruufo kale oo haysta awgood isaga joojiyey waxyaabaha soonka jabiya.
Bisha Ramadaanka:
Bisha Ramadaani waa bil khayr, waa bil barako, waxaana Ilaaheey ku gooni yeelay fadiilooyin iyo wanaagyo badan, oo ay ugu horreeyaan kuwan soo socda:
  1. Waa bishii Quraanka: waxaa la soo dejiyey kitaabkii qatimay oo ugu dambeeyey kutubtii uu Ilaaheey soo dejiyey, waxaana lagu soo dejiyey Nebigii ugu dambeeyey Nebiyaasha Ilaahey SW uu soo diray waa Nebi Muhommed Salalaahu Caleyhi Wasalam (SCW).
  2. Waa bishii kutub badan oo kale la soo dejiyey: Rasuulkuna SCW isagoo sheegaya kutubtaa iyo marka la soo dejiyey ayuu wuxuu yiri: “Habeenkii ugu horreeyey bisha Ramadaan waxaa la soo dejiyey Suxuftii (Warqadihii) Nebi Ibraahim. Kitaabkii Tawreet ahaana waxaa la soo dejiyey 6dii Ramadaan. Injiilna waxaa la soo dejiyey 13kii Ramadaan. Zabuurna waxaa la soo dejiyey 18kii Ramadaan. Qur’aankana waxaa la soo dejiyey 24kii Ramadaan”.
  3. Waa bisha ay ku jirto Laylatul-qadrigu: Laylatul-qadrigu waa habeen ka khayr badan kun bilood (sideetan iyo sadex sano iyo afar bilood), waana habeen barakaysan. Habeenkaasna wuxuu ku jiraa 10ka bari ee ramadaanka ugu danbeeya.
  4. Waa bishii xoraynta: waa bil habeen kasta oo ka mid ah Ilaaheey uu dad badan Naarta ka xoreeyo, qof kasta oo muslim ahina uu maalin iyo habeen kasta leeyahay duco laga ajiibayo (laga aqbalayo).
  5. Waa bisha shayaadiinta la xiro: waa bisha shayaadiinta oo dhan la xiro, albaabada Naarta oo dhanna la xiro, albaabada Jannada oo dhanna la furo. Arrimahaas oo dhani waxay dhacaan oo la sameeyaa habeenka ugu horreeya bishaas. Rasuulkuna SCW isagoo arrintaa ka hadlaya ayuu wuxuu yiri: “Marka bisha Ramadaan soo gasho waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xiraa albaabada Naarta, waxaana sil-silado lagu xiraa shayaadiinta”. Xadiisku wuxuu xusay in marka Ramadaanku soo galo shayaadiinta la xir-xirayo, marka la xirxirana way taag darraynayaan oo way daciifayaan, oo ma awoodayaan marka bishaas lagu jiro inay sameeyaan wixii ay samayn jireen marka aan bishaas lagu jirin.
Xadiisku ma dhihin shayaadiinta waa la dilayaa ama way dhimanayaan, laakiin waxaa kali ah oo uu yiri: waa la xir-xirayaa, shaydaanka xiranina waxaa dhici karta inuu wax dhibo oo haraati, iwm rido isagoo meeshiisa ku xiran, laakiin dhibkiisu wuu ka yaraanayaa midkii uu wadey bishaa ka hor. Maadaama uu xiran yahayna dhibkiisu wuxuu la ekaanayaa hadba qofka uu rabo inuu dhibo inta soonkiisu uu awood leeyahay, oo qofkii soonkiisu dhamaystiran yahay oo xoog leeyahay wuxuu isaga celinayaa si uusan iskaga celin karin qofka soonkiisu xosh-xoshka yahay.

Fadliga Bisha Shacbaan

In maalmo badan laga soomo bisha SHACBAAN.
”Caa’isha (a.k.n) mar ay ka sheekaynaysay soonkii Rasuulka SCW ayey waxay tiri:
“Ma aanan arkin Rasuulku SCW bil uu ka soon badnaa bisha Shacbaan.”
Sidaa daraadeed walaalayaal waxaa nafteyda iyo tiinaba ugu dardaarmayaa inaa bishaan ka faa’ideysano, oo aan soonka badino inteyna bishaan dhamaan, waayo xikmado badan ayaa ku jira soomida bisha Shacbaan waxaa ka mid ah: In ay kuu diyaar gareyneyso bisha Ramadaan. Yacni adigoo soonka la qabsaday ay bishii Ramadaan soo galeyso, saas daraadeed aan ka faa’ideysano fursadaan qaaliga ah! Wabilaahi Towfiiq.

Comments

Popular posts from this blog

Cafisku waa qayb kamida caafimaadka aadanaha W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka. Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada. Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay. Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay. 1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka. 2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l