Skip to main content

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag
Fikirka iyo macnaha Ereyga dowlad (Government) maahan mid ku cusub aadamiga oo tan iyo intii nolosha aadamigu bilaamatay dadku dowlado ayuu ahaa oo ereygaaas iyo fikirka macnihiisa  waa ay adeegsanayeen.
Laakiin dhaqan-gelinta ereygan ayaa aadamigu wuxuu la soo marey marxalado kala duwan ee taariikheed iyo wacyi kala hufan ee garasho. Waaya-aragnimada iyo fahamka laga heley
dhaqan-galkii ereygan waxaa kala shaandheeyey falalka iyo falaadkii laga dhaxley dhismayaasha hannaankii siyaasadeed iyo muuqaal-wejiyeedkii ay kala yeesheen bulshooyinkii dowladaha dhistey.
Midabyada dowladaha dunida soo-marey waxaa laga dheehan-karaa magacyada ay kala qaateen, kuwaas oo inoo tilmaamaya hab-dhaqanka ay mid waliba leedahay iyo sidii ay mid-waliba ula fal-gashey nolosha bulshadii ay ka dhex curatey. In-kasta oo dowlad waliba ujeedka ay u joogto ay tahay ilaalinta adeegga guud (public service).
Haddaba haddii ereyga ah dowlad uu muddo soo jirey, macnayaal badan oo uu yeelan-kareyna la fahmey, casrigan aynu joogno waxaa cusub ereyga ah Dowlad-wanaag (Good-Governance). Fahamka ereygaani waxaa la heley markii si buuxda loogu baraarugey milgaha uu lee-yahay xiriirka u dhexeeya dowladda iyo bulshada. Dhowr kun oo sano horteed, ayaa garashada aadamiga uu ku baraarugey in bulshadu ay qaab dowladeed isu abaabusho. Laakiin xiriirka ka dhexeeyey dowladda iyo dad-weynaha ayaa mar-walba wuxuu ahaa mid liita. Faham-darridaasi waxaa mar-kasta ka dhalanayey, halkii awoodda dowladeed loogu adeegi lahaa bulshada, in lagu dhibaateeyo.
Doodaha kusaabsan maamul wanaaga waxay markii ugu horaysay bilaamatay mudadii u dhexaysay 1980 illaa 1990 gaar ahaan xili la raadinayay qaabka ay dawladuhu u horumarin lahaayeen ujeedooyinkooda dhaqan dhaqaale. Sanadihii 1970 iyo 80kii horumarka waxaa loo arkayay xirfado ay dawlada kaliya un hagi karto iyadoo ay xoojinayso maamulka guud, si aan si fiican ugu fahano maamul wanaaga iyo heerarkii uu soo maray waa in aan milicsanaa marxaladahii uu soo maray waxa loo yaqaan maamulka guud {public administration}.
50kii sano ee lasoo dhaafay aragtida maamulka guud {public administration} waxay soo martay afar heer {four phases}.
1: Heerkii Dhaqankii hore: heerkani wuxuu  ahaa xili laga aaminsanaa maamulka guud qaab dhismeed dawladeed oo ay astaan utahay kalasarayn, eex la,aan, ogolaanshaha shacabka, kuyimid si sharci ah, xukuumad macquul ah iyo xirfad.waxaa laga rajayn jiray in laga helo amaan bulsho, difaacida hantida umadda, aasaasida iyo dhaqangelinta xeerar bulshadu ku dhaqanto iyo joogtaynta  sharciga. Sikastaba qaabkan waxaa lagu dhaliilay fadhiidnimada iyo dhaxalka aabenimo.
2: Heerka Maaraynta Guud:  heerkani wuxuu xooga saaraa in xeerarka maaraynta lagu dabakho maamulka guud.  Xeerarkaas oo ay kamidyihiin hufnaan, firfircooni, wacyi gelinta macaamiisha, muhiimad siinta suuqa xorta ah iyo udhiiranaanta baahiyaha caamka ah. Waxay xooga saartaa kor uqaadista doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay waxayna hoos udhigtaa doorka gacacsiga dawladu leedahay.
3: Heerka maamulka cusub: heerkani wuxuu muhiimad wayn siiyaa is dhexgalka labada waaxood ee ganacsiga kan dawlada iyo midka gaarka loo leeyahay si bulshadu u hesho adeeg wanaagsan.wuxuu muhiimad wayn siiyaa:
  1. In maareeyayaashu ay yihiin kuwo udabacsan isbadbadelka marxaladaha wadanka iyo kuwa caalamiga ahba.
  2. U diyaarinta bulshada qaabkii ay usoo saari lahaayeen adeeg hufan oo waxtar leh.
  3. Hab maarayn cusub kaas oo xooga saara kutilaabsashada hindise cusub oo aan kutiirsanaan kaliya falsafado hore.
  4. Kor uqaadista akhlaaqda tacliineed ee dawlada.
4:  Heerka Maamul wanaaga: heerkani waa mid ay bulshadu maamuli karayso arimaheeda siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaale iyadoo umaraysa wada shaqaynta iyo is dhexgal u dhexaysa dawlada, shacabka iyo hay,adaha aan dawliga ahayn. Waa shuruuco dejiya xeerar ay umadu ku dhaqanto, umadana siiya yididiidlo iyo hami. Saddex waaxood ayaa qaab dhismeedka nololeed ee bulshada go,aamiya, Dawladu waxay waxay sahashaa ilaalisaana arimaha siyaasadeed ee bulshada, shacabku waxay fududeeyaan wada shaqaynta iyo is dhexgalka, iyo hay,adaha aan dawliga ahayn kuwaas oo abuura shaqooyinka iyo dhaqaalaha wadanka.
Bilowgii kowaad doodaha kusaabsan Maamulku waxay ku bilowdeen si kacdoon looga soo horjeeday dhaqaalaha ay dawladu gacanta kuhayso iyo xirxirnaanta siyaasadeed, sanadihii 1980 iyo 1990 kii waxaa jiray kacdoon dhaqaale oo baaxad wayn kaas oo kasoo bilowday wadamada hormaray si ay kor ugu qaadaan dhaqaalahooda. Si kastaba ha ahaatee kacdoonkasi wuxuu la kulmay caqabado waawayn sababta oo ah Maamulkii guud ee xiligaasi kajiray wadamadaas ma ahayn mid saacidayay kacdoon noocan oo kale ah maamuladaas oo ay astaan u ahayd hay,ado diciif ah, shaqo la,aan baahsan musuqmaasuq iyo Maamul fadhiid ah. Markiise lagarawsaday muhiimada uu kacdoonkani leeyahay ayaa waxaa lasoo dhaweeyay mu,alifiintii fikirkan loona dhiibay hay,ado dawli ah si ay u hirgaliyaan adeegyo guud si fiicana ugu maareeyaan.
Noocyada dawladnimada:

1: maaraynta siyaasada{ political governance}:  waxay la xiriirtaa qaababka ga,aan qaadasho iyo go,aan fulineed ee dawlad kutimid rabitaamka bulshadeeda kana talisa aayaha bulshadaas. Si ay taasi u dhacdo dawladu waa in ay yeelataa hay,ado kala madax banaan oo mid waliba shaqadeeda si sharciga waafaqsan ugudato una ogolaato muwaadiniinta wadankaas in ay si xor ah udoortaan cida iyaga matalaysa.
2:maaraynta dhaqaalaha{ economic governance}: tani waxay qusaysaa go,aaminta aayaha dhaqaalaha ee wadankaas. Waxay saamayn wayn kuleedahay arimaha bulshada sida Sinaanta, faqriga iyo tayada nolosha.maaraynta dhaqaalahu waa qaabaynta dhaqaalaha qaran iyo midka caalamiga ahba sida in la maamulo wax soosaarka iyo in la ilaaliyo khayraadka dabiiciga ah ee wadankaasi leeyahay.
3: maaraynta maamulka{ administrative governance}:  tani waa nidaamka siyaasadeed oo loo hirgaliyo hufnaan, isla xisaabtan iyo si daah-furan bulshaduna iska dhex arki karto waa halka siyaasad dawlada laga baahiyo dawladuhuna ku xasiliyaan xalaalnimadooda kuna raali galiyaan muwaadiniintooda. Tayaynta iyo firfircoonida adeega ay dawladu bixinayso ayaa ah qodob muhiim u ah dawladnimada wuxuuna ubaahanyahay in mu,asasaadka dawlada oo dhami ay kaqaybqaataan si uu u ahaato mid daboola baahida bulshada.
4: maaraynta bini,aadantinimada{ human governance}: dhamaadkii qarnigii 20aad fikrada maaraynta bini,aadamtinimadu waxay kasoo  burqatay khubaro inbadan udoodayay jiritaanka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sharaftooda fikradani waxay muhiimad wayn siinaysaa in maamulka dawladu uu ahaato mid ujanjeera dhanka dadka {people oriented} xoogana saara xuquuqda aadanaha  iyo amaan ahaanshaha caalamka oo idil iyo in uu kadheeraado shan qodob oo loo aqoonsaday in ay jiritaanka aadanaha halis joogto ah kuyihiin kuwaas oo kala ah:
  1. In lagu guuldaraysto maaraynta baahiyaha bulshada
  2. Midab takoorka iyo xaqiraada xuquuqda dadka tabarta daran sida haweenka iyo caruurta.
  3. In lagu guuldaraysto ilaalinta deegaanka iyo damaano qaadka danaha jiilalka dambe.
  4. In lagu guuldaraysto joojinta dagaalada iyo joogtaynta nabadda.
  5. In lagu guuldaraysto in labaahiyo maamul cadaalad kudhisan.
Hadaba dawlad wanaagu waa astaan ay ku caanbaxeen dawladaha maanta dunidan utaliya kuwaas oo inta badan masiirka umadahooda kahoraysiiya dano kasta oo shakhsiyadeed. Hanaanka dawlad wanaagu wuxuu leeyahay astaamo, astaamahaas oo lagu kala sooci karo maanta dawladaha horumaray iyo dawladaha dib udhacu ragaadiyay ee laysku yiraahdo dunida saddexaad{third world}. Astaamahaas ama qodobadaas lagu calaamadiyo hanaanka dawlad wanaaga waxaa kamid ah:
  1. Ka qeyb-gelid buuxda {Participatory}:ka qaybqaadashada hanaanka siyaasadeed dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan waa astaan muhiim u ah hanaanka dawlad wanaaga. Taasina waa in ay ahaataa mid ogaalkeed iyo abaabulkeed si buuxda loo wadaago. Iyada oo war-baahintu ay
madax-bannaan tahay.
  1. Xilkasnimo {Acountability}: Hannaanka dowlad-wanaaggu wuxuu dalbayaa masuuliyad lagu hoggaamiyo bulshada. Waa in ay isu qalmaan xilka iyo qofka qabanaya. Gaar ahaan kuwa qaadaya xilalka sare iyo meelaha guddoonka xasaasiga ah uu ka dhacayo.
  2. Daah-fur {Transparent}: Hannaanka dowlad-wanaaggu wuxuu dalbeyaa in ogaallada maamulku ay yihiin kuwo aanan daah-saareyn. Waa in si fudud lagu ogaan-karaa arimaha la xiriira maamulka dowladda. War-baahintu waa in ay ahaataa mid madax-bannaan oo xor ah. Isla-markaas markii ay
doonaan ay si fudud ula xiriiri karaan kuwa talada gacanta ku haya. Mana ahan in war-baahinta la soo gaarsiiyo natiijooyinka oo keliya. Bal waa in ay la socdaan doodaha go´aan-qaadashada iyo qaababka howlaha fulinta.
  1. Tayeyn iyo fir-fircooni {Effective and Efficient}: Hannaanka dowlad-wanaaggu wuxuu u baahan yahay hagaajinta hal-abuurka bulshada iyo kobcinta wax soo-saarkeeda. Wixii bulshada ay ka dhaxashey facii ka horeeyey in ay ku fara adeygto oo ayan bur-burin. Isla-markaana ay tayadii iyo tiradii sii kordhiso, una gudbiso facaha danbe si ay u intifaacsadaan.
  2. Dhaqan-galka sharciga {Rule of law}: Hannaanka dowlad-wanaaggu waa hannaan dalbaya xeer caadil ah oo ay dadku u siman yihiin. Xeerkaasi waxaa gacanta ku heynaya mu´asasad garsoor oo aanan hoos iman dowladda iyo madaxdeeda. Waayo madaxdu haddii ay khalad galaan, waxay kamid yihiin kuwa la qabanayo oo la maxkamadeynayo. Arintaasi waxay dad-weynaha ka
badbaadineysaa sharta kuwa awoodda gacanta ku haya.
  1. Masuuliyad {Responsiveness}: Hannaanka dowlad-wanaaggu wuxuu dalbayaa in uu jiro hannaan u naqshadeysan oo uu ugu adeegayo bulshada. Isaga oo dhowraya howl-walba heerkeeda ugu wanaagsan, ammaanadeeda ugu hufan iyo wakhtigii lagu qabanyey oo ku jaan-go´an sida qorshuhu yahay.
  2. Raacid talo leysku darsado {Cosensus Oriented}: Hannaanka dowlad-wanaaggu wuxuu dalbayaa wada-tashi si loo fahmo masaalixda kala duwan oo dadku uu kala lee-yahay. Markaas ayaa si ballaaran loo xaqiijin karaa baahiyihii bulshada, iyada oo raali la-wada yahay.
  3. Caddaalad iyo wadar u-joog {Equitable and Inclusiveness}: Hannaanka dowlad-wanaaggu wuxuu dalbayaa xubnaha bulshadu in ay u siman yihiin awoodda dowladeed oo qofna uusan dowladda ka xigsan qofka kale. Isla-markaas xubnaha bulshada in ay dhamaan ka wada qeyb-qaataan socodsiinta howlaha dowladda oo cidna ayan u muuqan in ay marti ku tahay.
Hadaba hadii sidaas lagu qeexay nidaamka dawlad wanaaga lana tijaabiyay oo wadamadii wadadaas maray ay kumacaasheen waxay maskaxda fayow iyo caqliga wanaagsani dalbanayaan in madaxda wadamada soo koraya ay dhagahooda ufuraan una hogaansamaan hanaankan dadyowga dunidu kufaa,iideen.
Gaar ahaan inaga soomaali ahaan waxaa inala haboon yar iyo wayn, rag iyo dumar, culimo iyo caamo intuba in ay aaminaan in lajoogo xiligii caqliga fayoobi uu shaqayn lahaa waayo hadaynu nahay jiilka soomaaliyeed ee maanta nool waxaan nasiib uyeelanay in aan noolaano xili ay adagtahay in qof soomaali ahi uu dhalashadiisa kasheego meel caam ah. Waxaan noolnahay xili ay daafaha caalamka ku dacdaranyihiin haweenkii iyo caruurtii soomaaliyeed, waxaan noolnahay xili magaca soomaali ama dhalashada soomaalinimo laysku caayo ama laga faano.
Waxaan aaminsanahay wax walba oo khaldamay waxay leeyihiin xal,  khilaafka iyo dagaalada ragaadiyay dalkeenana waxaan aaminsanahay in uu yahay mid aan gacmaheena ku keenay gacmaheenana kuxalin karno.
Su,aasha ay macquulka tahay in qof kasta oo maqaalkan akhriyaa uu iswaydiiyo ayaa waxay tahay ma macquulbaa in hanaanka dawlada-wanaaga laga hirgaliyo soomaaliya?  Anigu shakhsi ahaan waxaan aaminsanahay su,aashan jawaabteeda marna waa “HAA” marna waa “MAYA”
Mar jawaabta su,aashani waa MAYA oo waa inta qaranka iyo qabiilka qabiilku sareeyo  waa inta aynu uxisaabtamayno reer reer, waa inta ay adagtahay in la aamino in nin aan kula reer ahayni uu aayahaaga katalin karo, waa inta ay adagtahay dhalinyarada soomaaliyeed ay aaminaan in katalinta danta guudi ay kamuhiimsantahay tan reerka uu kadhashay, waa inta dhalinyarada soomaaliyeed ay aaminsanyihiin in aan nolol wanaagsan laga abuuri Karin dalkooda ayna usii haajirayaan wadamo shisheeye, waa inta caqliga da,yarta soomaaliyeed uu kafakarayo side yurub utagtaa, waa inta dulmiga iyo xiqdigu quluubta umadan uu kujiro, waana inta aan xal iyo nabad waarta kasugayno cidii markii horeba jilbaha dhulka inoo dhigtay. Waa halkii soomaalidu ka oranjirtay: “iilka kii dhigay u dacwootaay”.
Marna jawaabta su,aashani waa HAA waana marka  qaranka iyo qabiilka lakala fahmo, waa  marka uu caqliga umadu kaxoroobo xeryaha lagu ooday iyo kala qoqobka qarniyo hore umadan loosoo waariday, waa marka aynu kala garano cadawgeena iyo saaxiibkeena, waa marka cilmiga iyo caqliga la isku dabakho, waa marka culimada iyo caamadu darajo kala yeeshaan, waa marka aqoonyahanka soomaaliyeed ay gartaan waajibaadkooda, waana marka muhiimada dawladnimada iyo dhibaatada la,aanteeda aan kala garano waana hubaa oo hada soomaali loogama sheekaynayo dhibaatada ay leedahay.

Comments

Popular posts from this blog

Cafisku waa qayb kamida caafimaadka aadanaha W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka. Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada. Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay. Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay. 1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka. 2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l