Skip to main content

Posts

Showing posts from August 27, 2018

Sagaalka qodob ee madaxweynaha dds uu wax ka qabanayo Waxaa diyaariyey cabdicasiis abiib mohuud

Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar ayaa markii ugu horeysay ka shanqariyay barnaamijkiisa waxqabad marka uu soo dhiso golaha wasiiradda. Isaga oo ka hor hadlayay baarlamaanka deegaanka oo shir ku yeeshay magaalada Jig Jiga ayuu mudane Mustafa jeediyay khudbad dheer, wuxuu si hordhac ah uga hadlay qodobo badan oo ku saabsan waxyaabaha uu qaban doono muddada xilka uu haynayo. Waxaan kasoo qaadanay 9 qodob oo ka mid ah waxyaabaha uu sheegay in uu qaban doono. 1.Isbadelada Isaga laftiisa waxa uu ku yimid isbadal siyaasadeed kii ugu balaarnaa oo ka dhacay guud ahaan Itoobiya tan iyo intii uu xilka Ra'isulwasaarenimada qabtay Abiy Axmed, sidaas darteed Mustafa Cumar waxa uu doonayaa in isbadalada ka socda guud ahaan Itoobiya ay ka dhaqangalaan deegaanka Soomaalida. Isaga oo hadlayana waxa uu yiri "Isbadalka heerka qaran ka socda ma jirto sabab uu deegaanka Soomaalida uga haro, waxaanan rabaa in uu halkan ka socda, sida xagga dimoqoraadiyad