Skip to main content

Posts

Showing posts from June 28, 2020

Fadlan lifaaqa guji oo sii akhri

BOOLISKA SOMALILAND OO JEELKA UTAXAABAY ABWAAN SHUCAYB YARE June 28, 2020   admin   Leave a comment Hargeysa(RNN)  – Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa caawa gurigiisa kala baxay Abwaan Shucayb Yare oo dhawaan Maanso ku dhaliilay Madaxwayne Biixi iyo xukuumadiisa. Nidaamka dawladnimo ee Somaliland ayaa dhibsaday suugaanta da’yarkan oo ahayd gantaal wadnaha ka abaaraya Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kaasoo uu abwaankan da’da yari sawir kaga bixinayay fool-xumooyinka maamul ee kajira Somaliland. By Mohamed Yusuf Bakayle

XISBIGA WADAJIR OO GUDIGA DOORASHOOYINKA UGU BAAQAY INAY ISCASILAAN

X ISBIGA WADAJIR OO GUDIGA DOORASHOOYINKA UGU BAAQAY INAY ISCASILAAN June 28, 2020   admin   Leave a comment Muqdisho(RNN)  – Xisbiga Wadajir wuxuu si rasmi ah ugu baaqay Gudiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka inay iscasilaan, maadaama ay ku fashilmeen mas’uuliyadii loo idmaday, lumiyeena kalsoondii shacabka, qaybna ka noqdeen mashruuca Madaxtooyada ee mudo korodhsiga ah.

XUBNO BAARLAMAANKA PUNTLAND KAMID AH OO GU’ITAAN RAADINAYA

X UBNO BAARLAMAANKA PUNTLAND KAMID AH OO GU’ITAAN RAADINAYA June 28, 2020   admin   Leave a comment Mudaneyaal katirsan Baarlamaanka dawlad goboleedka Puntlad ayaa xukuumada uu madaxwaynaha kayahay Siciid DANI ugu baaqay inay kala shaqayso in Puntland ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale oo ay iskeed ugu dhawaaqdo dawlad madax banaan si lamid ah Somaliland. Xildhibaanadan ayaa waxay qabaan in Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay duudisaday xuquuqdii deegaanadooda ee dhinac walba. Soo ma moodid, inay Puntland dhan u raran tahay maalmahan danbe markaad eegto hadalada madaxdeeda iyo hanjabaadaha kasoo yeedhaya?.

WAKIILADA SHACABKA SOMALILAND OO ANSIXIYAY XUBNIHII AY HORAY UDIIDEEN

WAKIILADA SHACABKA SOMALILAND OO ANSIXIYAY XUBNIHII AY HORAY UDIIDEEN June 28, 2020   admin   Leave a comment Hargeysa(RNN)  – Golaha wakiilada Shacabka ee Somaliland ayaa saaka ansixiyay labadii xubnood ee ay xisbiyada mucaaradku komishinka doorashooyinka usoo magacaabeen. Wakiilada ayaa horay udiiday xubnahan ay haatan ansixiyeen. Khaalid Foodhaadhi