Skip to main content

Posts

Showing posts from October 16, 2022

Dhaqaalihii ethiopia oo maraya meel uusan waligii gaadhin

  Abiy oo dhaqaalihii Itoobiya Ablay la dhacay   1. Qasnada Itoobiya gidi ahaanba wey madhantahay. 2. In la soo dhoofiyo maacuunta loo baahanyahay waxa qasnadaas madhan laga rabaa $700 milyoon, lamas hayo. 3. Awooda wax soo dajinta Itoobiya kama badna amase ma dhaafsana labaatan beri. Bi macni waxba dibadaha kama soo iibsan karto Itoobiya hadaan loo miciinin.  Hadaba miciinkaasi halkuu ka iman? Waa hawsha Axmed Shida Washington u joogo. Dhawr shir uu lagalay Bankiga Aduunka  iyo IMF, waxa wafdigiisu codsaday in daynta lagu leeyahay loo habeeyo (restructuring. Mareykanka, oo iska leh baananka daynta bixiya ilaa hadeer wey ka caga jiidayaan inu Itoobiya u miciino.  Sabab? Waxa Mareykanku rabaa in uu Abiy gowsaha ka guro isla markaana qab jabiyo si loo keeno miiska wada hadalada iyo in dagaalka Tigre iyo Oromiya ka socda la joojiyo. Xaalku hada waxa uu marayaa Ina Shide oo amar ka sugaya Abiy si u ukala ogaado in la soo dabco iyo in kale.  Alxaasil xaalka Itoobiya ma fiicna. Tolow Axmed s