Skip to main content

Dhaqaalihii ethiopia oo maraya meel uusan waligii gaadhin

 


Abiy oo dhaqaalihii Itoobiya Ablay la dhacay

 

1. Qasnada Itoobiya gidi ahaanba wey madhantahay.

2. In la soo dhoofiyo maacuunta loo baahanyahay waxa qasnadaas madhan laga rabaa $700 milyoon, lamas hayo.

3. Awooda wax soo dajinta Itoobiya kama badna amase ma dhaafsana labaatan beri. Bi macni waxba dibadaha kama soo iibsan karto Itoobiya hadaan loo miciinin. 


Hadaba miciinkaasi halkuu ka iman?


Waa hawsha Axmed Shida Washington u joogo. Dhawr shir uu lagalay Bankiga Aduunka  iyo IMF, waxa wafdigiisu codsaday in daynta lagu leeyahay loo habeeyo (restructuring.


Mareykanka, oo iska leh baananka daynta bixiya ilaa hadeer wey ka caga jiidayaan inu Itoobiya u miciino. 


Sabab? Waxa Mareykanku rabaa in uu Abiy gowsaha ka guro isla markaana qab jabiyo si loo keeno miiska wada hadalada iyo in dagaalka Tigre iyo Oromiya ka socda la joojiyo.


Xaalku hada waxa uu marayaa Ina Shide oo amar ka sugaya Abiy si u ukala ogaado in la soo dabco iyo in kale. 


Alxaasil xaalka Itoobiya ma fiicna. Tolow Axmed sida u uga warwarsanyahay arimaha Abiy u dirtay ma uga warwarsanyahay weerarka Shimalis ku qaaday Liibaan? 30,000 ok qof ayaa barakacay.


Comments

Popular posts from this blog

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l...

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag