Skip to main content

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad
Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”
Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin.
Godka: Saar1
Goorta: 2005.
Gun baa haan laga unkaa
Duq baa geel loo tumaa
Gaw ban ka aqaan durbaan,
Waxaa geed lala tagaa
Genkaad tahay erey la da’ ah
Gefkana bashar baad u tahee
Haddii aad garowdo khalad
Gob bay tahay caadadeed.
Waxaan godobtiisu hadhin
Gar aad leeduu ogyay
Nin kaaga masuugay gole.
Waxaa gabay lagu saxdaa
Candhuuftu gashaa dalqada
Markuu milil guud ka dhayo.
Golxoo dhami maaha dhalan
Mar bay ged kaleeto tahay
Dibnahoo ku gariira iyo
Gengada waxaa keenta been.
Waxay tixdu gaabsataa
Damiirku markuu gam’aa,
Haddii hal ku seego geed
Waxaad gocataa hurdada.
Intaa guntay oo dhigee
Hadduu geeraar wax taro
Maxaan gelin dhexe onkoday,
Maxaan goohoon tallamay,
Adoo gabbalkaagu dumay
Maxaan gudcur bajiyoo
U daaray cadceed gayiga.
Maxaan galab oogay shamac
Waxaan guuraha meershiyo
Waxaan subax loogay gool
Hadday gees kaa mareen
Maxaad farta iigu godi?
Dhegtaadaa soor-gad lehe
Miyaan giririf yaraa?
Maxaan godladaa araar
Shabeelkaa gurboodku dhalay
Ku idhi waxa gooyey aar
Sowkii Alla-gowrac yidhi
“Mayee waxa laysay garo”
Haddaan guga kuu kordhaa
Gabow mooyee ku tarin
Garaad iyo waaya-arag
Illayn wax ma dhaantid geed!
Intaa guntay oo dhigee
Ku soo noqo goobta iyo
Garoonka ciyaartu taal.
Xilligu waa goor wax saar
Golaa lagu dheelayaa
Garsoore ka yahay shacbigu
Waxaa guul sheegan kara
Cidday u garteen iyagu.
Hadaad tahay guur-u-meer
Qaraabo adoon gub-gubin
Adoon ummadda isku gubin
Dadweynaha soo gig yidhi
Waxaad ka gadayso mari,
Abaalkana waan gudnaa
Waxaad gashay ee horiyo
Gadaal waxaad maagan tahay,
Adoon galin ceeb nin kele
Bal noo sheeg waa golee
Waxay dadku kaa guntaan,
Kolay tahay gaafanow
Haddaad gallad weydo kale
“Estii” tii gudahaan ahoo
Ri’ baan beri gees ka riday.
Intaa guntayoo dhigee
Nimay kala gees yihiin
Inuu libintiisa gado
Ninkii yidhi guul ka dhigo
Gub baa kaga dhacay halkaa,
Ninkii yidhi gaal diloo
Gartiisana sii’ ma maqal
Xaqsoor nin ku gaadhi kara!
Rag uu ka dhexeeyo geel
Hadduu kala geeyo damac
Waxaa isu gaysa dane,
Allow garansii nin moog!
Galool mudhay oo farcamay
Dhudaha goonyaha ku fiday
Hadday kala gaar yihiin
Guntay ka midaysan yihiin,
Haddad gorod diidan tahay
Ku koob dirirtaada gorod,
Ha nicin gobolkuu ka yimid!
Ha giijin xadhkaa ha jarin!
Ha goyn waxa laysku yahay
Magliga gacan loola baxay
Gudaha uma dhaadhacdee
Ha gaadhin laftoo ha jabin
Afkaagana godob ka dhowr!
Marbaa jirta gumuc la riday
Galaafto ninkii ridee,
nIn iinloow daa gujada!
Waxaa bir kuu gooya talo
Markay gondihiisa taal
Nimaan geshigiisa dayin,
Adoo wax ka gaws qabsaday
Mar baa gefka loo liqaa
Inaan danta guud murkacan.
Intaa guntay oo dhigee
Garaadkaygaan hadlee
Allow haygu gubin aqoon
Gar eexana hayga tegin!
Haddaan dayo gees kalena
Gedday tahay dheesha taal
Inuu hebel guul heliyo
Inuu gudbiwaayo hebel
Galaasku halkaa ma yaal
Nimaan garanoow u toos!
Waxay deyayaan guddida
Galbeed iyo Bari ka yimi
Inuu dadku yahay dad gaya
Waxay badi goobayaan,
Waxay dayayaan guddidu
Inuu dadku yahay dad gaya
Inay u noqdaan gadh-wade
Dadweynaha geeska bari
Fulow guul kuu dhawaa!
Xilliga guuraynayaa
Hadduu kaa tiro gedmaday
#Hir baa laga guurayaa
Mid baa lagu geeddi yahay,
Hangool baan goobayaa
Farraarkiisiyo gantadu
Midkoodba ku yaallo geed
Wax baan ka garaabayaa
Wax baan misna gocanayaa
Lammaanahan is geyin
Intaan guri wada furaan
Haddana garac diidayaa.
Hortayda bir baa ku go’an
Hareerta god baa ka qodan
Gadaal uma laaban karo
Giraangir wareegta iyo
Dhig baa lagu guud socdaa
Waxaan gudayaa habeen
Wuxuu galayaa saq-dhexe,
Waxaan gudbayaa biriish
Biriish ku dul taagan gees
Gafuur wiyileed ka baxay!
Waxaa girgir qaanso sudhan
Warkaba aan gaabiyee
Raggi go’ay wuxu u go’ay?
Haddaan dayo gees kalena
Waxaa gabbal ka arkayaa
Cirkaan u samroo godladay,
Hadduu gelin toomanaa
Wuxuu galay weerarow
Ayaankaygii gar-dhalad
Ciyaartuna geba gebiyo
Waxay joogtaa gamtii
Halkay ku gudhaysay talo
Gefkana xeer baa ka yaal
Ninkii ku kacaa xad-gudub
Wuxuu galayaa off-side
Allow garansii nin moog!
Dhamaad.

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........