Skip to main content

Posts

Showing posts from August 29, 2019

Odhaahda maanta faysal roble dooda luuqada

Odhaahda Maanta (Talk of the Town) Dooda ku aadan Luqada iyo Itoobiya Sida aad beryahan la socotaa waji cusub ayey Itoobiya gashay. 1 durba waxa daaqada ka sii baxay gashaanbuurtii Kushitic ama ilam Kush, 2. Isbahaysiga Oromo oo dhowr u kala baxay, iyo 3. R/W Abiy oo u janjeedha dhinaca Itoobiya midaysan (Grester Ethiopia) oo Axmaarigu dunta isku haysa yahay. Aan usoo noqdo arintaas iyo dooda ka aloosan. Balsa eray-bixin aan yar taabto: 1. Shuccub - waa dad badan oo kala duwan Islamarkaana ah qowmiyado kala duwan. 2. Ethnic groups - waa erey u dhigmi kara qowmiyad inta badana ay isticmaalaan aqoonyahanada muxaafidka ah. Xiliyadii baratanku ka dhexeeyey wadanada rer-Galbeedka iyo kuwii beriga iyo waxgaradkii kala raacsanaa ayaa ku kale isticmaala jiray ethnic (rer-galbeed) iyo Nations (garabkii bidixda). 3. Qaran ama Nationality or Nation - sida badan labadan erey waa iskumid isticmaalkoodu. Waxaase loo badiya in Nation uu ka yar baaxad weyn yahay kan ah Nationality marka