Skip to main content

Odhaahda maanta faysal roble dooda luuqada


Odhaahda Maanta (Talk of the Town)

Dooda ku aadan Luqada iyo Itoobiya

Sida aad beryahan la socotaa waji cusub ayey Itoobiya gashay. 1 durba waxa daaqada ka sii baxay gashaanbuurtii Kushitic ama ilam Kush, 2. Isbahaysiga Oromo oo dhowr u kala baxay, iyo 3. R/W Abiy oo u janjeedha dhinaca Itoobiya midaysan (Grester Ethiopia) oo Axmaarigu dunta isku haysa yahay.

Aan usoo noqdo arintaas iyo dooda ka aloosan. Balsa eray-bixin aan yar taabto:

1. Shuccub - waa dad badan oo kala duwan Islamarkaana ah qowmiyado kala duwan.

2. Ethnic groups - waa erey u dhigmi kara qowmiyad inta badana ay isticmaalaan aqoonyahanada muxaafidka ah. Xiliyadii baratanku ka dhexeeyey wadanada rer-Galbeedka iyo kuwii beriga iyo waxgaradkii kala raacsanaa ayaa ku kale isticmaala jiray ethnic (rer-galbeed) iyo Nations (garabkii bidixda).

3. Qaran ama Nationality or Nation - sida badan labadan erey waa iskumid isticmaalkoodu. Waxaase loo badiya in Nation uu ka yar baaxad weyn yahay kan ah Nationality marka la ga fiiriyo dhinaca casriga ama isku xidhnaanta. Matalan Soomaalida, Axmaarada, Oromo, Tigere waa”N ation” xaga Welayta, Harari, Kambata at noqon karaan “Nationalities.” Dhinaca xuquuq raadintana wa kala duwanyihiin (maqduucaasi hada ka hadlimayno). Waxaan si xassusin ahaana Iyana ugu dari laah Itoobiya Qaran ma'aha ee waa Qramo ama Qowmiyadu dal ku wada jira (Multi-nation country). Sidaas darted Itoobiya waa dal ee Qaran ma aha.  Waxa kale oo la odhan karaa Itobiya waa multi-national state.

Luqada iyo Qarananimada.

Sideedaba qaran waxa sal u ah laba astaamood oo kala ah Sal (Base) iyo Kaaboyaal (Structures). Hab-dhaqaalaha bulshadu (economic foundation) waa salka. Dhaqanka, Diinta, iyo siyaasad iwl. waa kabayaal ama structure.

Luqadadu halkay galaysa? Tixgalin gaar ah ayey luqadu leedahay marka la sheegayo astaamaha qaranimadu leedahay; luqadu waa Superstructure and Kaaboweynaha isku haya Salka iyo Kaabayaasha. (It is the link between the base and the structure of the community). Bimacni, hadii luqadu adkaato qaranimada isku xidha Salka iyo Kaabayaasha umadda ayaa adkaada.

Dooddo badan ayaa ka dhacay dalaka Yurub xiliyadii 1920hii ilaa 1940hii oo ku aadan luqada iyo qaranimada. Waana xiligaa qowmiyado badan oo Yurubbku yala ka soo baxayeen burburkii Balkanka iyo ambaqaadkii kacaankii Ruushka.

Joseph Stalin ayaa awoodii Ruushka la wareegay dhimashadu Lenin ka dambi. Stalin Ruush ma ahayn, waxa uuse Iska dhaadhiciyey in hadii Ruushnimada uu xoojiyo uu noqon karo ninka rer Joorjiya (Georgia) ah ee Ruush oo dhan mudo dheer xukuma kara. Hadii ay taageeraan Ruushkii mudada dheer inta kale oo dhan soo gumeysanayey, waxa uu iska dhaadhiciyey in uuna ka werwerhayn mudici cabin kara.

Fakir Greater Soviet ah ayuu keenay isagoon 100% ka takhalusyn nidaamkii federaaliga Haseyeshee, waxa uu si badheedh ah u daciifinaya daakhiligii iyo ismaamulkii qowmiyadaha.
Asaaska Greater Soveit waxa Stalin luqadu Rushiya oo qasab lagaga dhigay qowmuyadihii marka hore lagula heshiiyey in ay afkooda wax ku baran min fasalka 1-12.

R/W Abiy waxaad moodaa in uu isku talaalo rabo Medemer iyo luqada amxaaria qah si uu u gaadho hadafka ah “Itoobiya Weyn,” ama “Greater Ethiopia.” In Afxamaariga iyo Taariikhdii Minilik weji ugub ah iyo ranjit cusub la mariyo waa Medemer+Afaxmar = Itobiyada Weyn, (Greater Ethiopia).

Axmaariga oo dib boodhka looga duuliyey in korka lagaga keeno qowmiyadaha mudo 150 sano ayaa loogu hungoobay. Wax aan gaadhayn 1% oo Soomaali ah ayaa afxabashiga ku hadasha. Xataa xiligii Mengistu haweenka, odayada, xoogsatada dadka aan xabashiga u dhalaan ayaa la isku dayey in qasab lagu bero. Aber! Wax guul ah oo laga gaadhay ma jirto. Xataa kuwa Iskoolada dhameeyey ayan afxabadhiga aad u aqoon.  Sababtuna waa diidmo xaga niyada ah oo gumeysiga rer-Abyssiniya la diidanyahay.

Fakirka ka hor imanaya soo rogaal celinta afxabashiga in laga dhigo nacayb Axmaarada loo qabo waa wanjal aan cilmi ku fadhiyin. Waxase la diidanyahay soorogaal celinta fakarkii gumeysiga
rer Abyssinia.

DDS markaa joogto Xabshi inaba Axmaar kama dhigna. Cidda soo raacday gumeysiga Abasiiniya oo dhan ayey Soomaalidu xeedho kaliya ku ridaan uguna yeedhaan Xabashi.  Axmaar, Tigre, Oromo aan muslinka ahayn, Shuubta Itoobiya oo dhan waxa Soomaalidu ugu yeedhaa Xabashi.  Herarida wey ka reebtaa. Sidaas darteen Soomaalidu shaqsi Axmaar ah ma necba ee astaamaha gumeysiga iyo xamaanta uu la yimid ayey necebyihiin.

Beryahan waxaan maqlayaa "Minilik agar aqan," oo la mid ah "Minilik has civilized the world." Arintaasi waxay laf jab ku tahay kuwii la adoonsaday sida welayta, Kambata, Oromo.... iyo kuwii la guumeystay sida Somaalida.

Soomaalidu waxay ka mid tahay xadaarada koowaad ee la baratamaysa Abyssinia dhinaca Dinta, Dhaqanka iyo Afka. AfSoomaaligu waxa uu ka mid yahay afafka ugu da'weyn Qaarada Afrika. Waana luqad lagusoo hadli jiray ilaa xiliyadii Farcooniinta iyo weliba xili ka horeysay.

Talo iyo taariikh uu afSoomaaligu ugu daba fasmdhiisto afxabashi iima muuwlqata. Fakirkan Abiy ee Medemer+AfAxmar = Itoobiyada Weyn (Greater Ethiopia) oo ah fakir laga soo maanguuriey  dilaagii Staalin ee yidhii Greater Soviet Union waxa wanaag ah uu umada Soomaaliyeed u soo wado ma arko.

John Dewy oo ahaa educational psychologist Mareyka ah aadan wax ku kordhiyey nidaamka wax barashada USA ayaa yidhii: luqada ilmaha lagu ababiyo mahadho mudo dheer la darista ayey laadahay. Ha loo daayo Soomaali afkeeda, waxay ku darsanaysona iyadu ha ka tashto.

Waa talo Soomaali u taal in ay afka ku ababiso ilmaheeda. Afaxmaari lagu qasbo horeba aynu loogu hungoobay.

Markaan firaaqo held ayaan maqaal ka qori.

Comments

Popular posts from this blog

Cafisku waa qayb kamida caafimaadka aadanaha W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka. Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada. Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay. Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay. 1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka. 2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l