Skip to main content

Posts

Showing posts from April 22, 2018

Dowladaha Imaaraatka Carabka iyo Baxreyn ayaa si wadajir ah u cambaareeyay dowladda Soomaaliya, iyaga oo ku eedeeyay in ay ka been abuuratay Imaaraatka, islamarkaasna shaqaale safaaradeed lagu qabtay qori caaradiis, kadibna lacag malaayiin ah lagala wareegay si xoog ah.

Waxa ay ka jawaabayeen war kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsanaa lacag $9.6 milyan oo doolar ah oo lagu qabtay garoonka Aadan Cadde, taas oo ay wadday diyaarad ka diiwaangashan Dubai, islamarkaasna la sheegay in ay la socdeen saraakiil Imaaraati ah. Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay baarayso lacagtaas meesha ay ka timid iyo ujeedka laga lahaa, baaritaankaas oo aanan wali war rasmi ah laga soo saarin, balse waxa ay dhacdada kusoo beegantay xilli ay dalka ka jireen khilaafyo siyaasadeed. Horey dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Imaaraatka u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, dacwadaas oo ahayd in Imaaraatka ay farogalin ku hayaan Soomaaliya, islamarkaasna si aan sharci ahayn ula wareegeen dekedo dalka ku yaala iyada oo aanan laga wargalinin. Baxreyn Waa dowladda kaliya ee illaa iyo hadda la safatay Imaaraatka marka laga hadlayo muranka kala dhaxeeya Soomaaliya. Balse waxaa la xusuustaa in markii uu dhashay khilaafkii khaliijka, in Baxr...

nimco waliba nusqaanteeda ayey leedahay

22ka April,    2018. Sida lawada ogsoon yahay guud ahaan soomaalida geeska Africa degta gaar ahaan soomaalida itoobiya waxaa intabadan saamayn jiray abaaro soo noq-noqda oo dhaca sanadkiiba halmar ama labadii sanaba mar maadaama oo aysan    sifiican    uheli jirin roobabkii xiliilaha ahaa ee di’i jiray      gu’ga iyo dayrta ama ay waayi jireen sanad ama laba sanaba    taasi oo ay keentay aqoon la’aan, wacyigalinta oo yarayd iyo u diyaarsasho weel la’aanta    bulshada iyadoo xaalada isbadalka cimilada aduunka ee deegaanka kuwajahan aan lasaadaalin karin taasi oo sababi jirtay abaaro ba’an oo gaysta khasaare naf iyo maalba leh dad iyo duunyaba . nimco waliba nusqaanteeda ayay leedahaye waxaa wakhti-xaadirkan guud ahaanba deegaanka kacurtay roobab laxaadleh oo khasaare Naf iyo maalba leh gaystay sababayna fatahaado laxaadleh iyadoo ay marar badan xukuumada deegaanku horey uga digtay balse kudhawaad    in kabada...

Baasaaboorka JDFI Oo Laga qaadandoono Xarunta Deegaanka Ee Jigjiga.

jigjiga sabti, 21ka April, 2018. Laanta socdaalka dalkeena itoobiya ayaa  masuuliyiinta ugu saraysa laantan socdaalku  waxay  waraysi ay siiyeen waraahinta kala duwan ee dalka  ku sheegeen in laanta socdaalka dalku  balaadhinayso xarumaha lagu bixiyo baasaaboorka dalka taasi oo ay sheegeen in xarunta deegaanka ee jigjiga sirasmiya dhawaan looga bilaabidoona bixinta baasaabaarka dalka. Waxaana,  xusid mudan in  hadda ka hor laga qaadan jiray baasaaboorka dalka  magaalooyinka addis-ababa iyo direbadha islamarkaana ay bulshada deegaanka socdaal dheer iyo wakhtibadan ku qaadan jiray sidii ay u qaadan lahaayeen baasaaboorka dalk. Balse hadda wixii ka dambeeya  si dhibyar kaga qaadandoonaan xarunta deeganka ee jigjiga