Skip to main content

Dowladaha Imaaraatka Carabka iyo Baxreyn ayaa si wadajir ah u cambaareeyay dowladda Soomaaliya, iyaga oo ku eedeeyay in ay ka been abuuratay Imaaraatka, islamarkaasna shaqaale safaaradeed lagu qabtay qori caaradiis, kadibna lacag malaayiin ah lagala wareegay si xoog ah.

Waxa ay ka jawaabayeen war kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsanaa lacag $9.6 milyan oo doolar ah oo lagu qabtay garoonka Aadan Cadde, taas oo ay wadday diyaarad ka diiwaangashan Dubai, islamarkaasna la sheegay in ay la socdeen saraakiil Imaaraati ah.
Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay baarayso lacagtaas meesha ay ka timid iyo ujeedka laga lahaa, baaritaankaas oo aanan wali war rasmi ah laga soo saarin, balse waxa ay dhacdada kusoo beegantay xilli ay dalka ka jireen khilaafyo siyaasadeed.
Horey dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Imaaraatka u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, dacwadaas oo ahayd in Imaaraatka ay farogalin ku hayaan Soomaaliya, islamarkaasna si aan sharci ahayn ula wareegeen dekedo dalka ku yaala iyada oo aanan laga wargalinin.

Baxreyn

Waa dowladda kaliya ee illaa iyo hadda la safatay Imaaraatka marka laga hadlayo muranka kala dhaxeeya Soomaaliya.
Balse waxaa la xusuustaa in markii uu dhashay khilaafkii khaliijka, in Baxreyn ay ahayd dalalka koowaad ee la saftay Imaaraatka, islamarkaasna xiriirka u jaray Qatar, iyada oo ay talaabadaas oo kale qaadeen dalal kale. Arrinka Soomaaliya lama oga aragtida ay ka qabaan dalalka kale ee Carabta iyo kuwa khaliijka oo uu Sucuudiga ugu horeeyo.
Tusaale ahaan Sucuudiga iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo aad u adag, balse wuxuu madmadoow soo kala dhex galay markii Soomaaliya ay ka leexatay waddadii Sucuudiga ee ahayd in xiriirka loo jaro Qatar.
Sucuudiga waxa ay dhoofsadaan boqolkiiba 80% xoolaha nool ee Soomaaliya, halka Qatar ay dhoofsato boqolkiiba 3.5%, halka ganacsiga ugu badan uu Soomaaliya kala dhaxeeyo dalka Isu Tagga Imaaraatka Carabta.
Waxayse u egtahay in halbeegga xiriirka arrimaha dibedda uu markan saaranyahay kafado aan ahayn kuwa ku salaysan danaha dhaqaale ee Soomaaliya kala dhaxeeya dalalka.

Baraha Bulshada

Balse saansaanta hadda muuqata ma ahan mid wanaagsan, wuxuuna dagaal adag ka socdaa baraha bulshada oo la'isku dhaafsanayo aragtiyo qaraar.
Dad badan oo Soomaaliyeed oo afka Carabiga waxa ku qora ayaa baraha bulshada, gaar ahaan Twitterka ugu jawaabay wasiirka arrimaha dibedda Baxreyn, Sheekh Khaalid Binu Axmed Al-Khalifa qaarkood ayaa sidoo kale u jawaabaya muwaadhiniin Imaaraati ah oo arrimaha Soomaaliya aragtiyo taban ka dhiibayay

Xaaladda oo kasii daraysa

Tan iyo intii uu biloowday khilaafkii dalalka khaliijka ka dhaxeeya, kaas oo xiriirka dublamaasiyadeed loogu jaray dalka Qatar, waxaa aad usii xumaanayay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.
Dowladda Soomaaliya waxa ay qaadatay go'aan dhexdhexaadnimo ah, iyada oo diiday in ay la kala safatay dhinacyada is hayay.
Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka oo lagu magacaabo DP World ayaa heshiis 30 sano ah la gashay jamhuuriyada iskeed gooni isu taagga ugu dhawaaqday ee Somaliland, kaas oo ay kula wareegtay maamulka dekada Berbera.
Dowladda Soomaaliya ayaa talaabadaas aad uga soo hor jeedsatay, iyada oo uu xitaa jiray mooshin si aqlabiyad ah loogu codeeyay oo baarlamaanka Soomaaliya ay dalka kaga mamnuuceen DP World, inkasta oo wali xeerkaas uusan madaxweynaha saxiixin.

Iskaashiga militariga


Iskasta oo ay jireen waxyaabo badan oo xiriir ah oo labada dal u dhaxeeyay oo labadan dal u dhaxeeya, hase yeeshee inaha dibedda usoo baxay ayaa muujinaya sii kala fogaansho aad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraatka oo mar ahaa waddamo aad isugu dhow.
Talaabadii ugu dambeysay waxaa qaaday dowladda Soomaaliya, waxayna dhacday talaabadaas maanta oo arboco ah.
Wasiirka gaashaandhigga Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in ay kala direen ciidammadii uu Imaaraatka tabobarayay, islamarkaasna ku kala daray ciidammada kale ee dalka, waxaana si rasmi ah loosoo afjaray iskaashi military oo labada dal u dhaxeeyay.
Go'aanka wasiirka ayaa micno gaar ah samaynaya maadaamaa dhawaanahan uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku shaqaynayay xarunta wasaaradda gaashaandhigga si uu waqti ugu helo dib u habeynta ciidanka lagu samaynayo.
Marka Imaaraatka laga joojiyay taageeradii uu siin jiray dowladda Soomaaliya ee xagga militariga, waxaa dhanka kale si caadi ah u shaqaynaya saldhig ciidan oo ay Turkiga ka dhiseen duleedka Muqdisho, kaas oo shalay oo ugu dambeysay ay ka aflaxeen ciidammo lagu tabobaray.
Imaaraatka ayaa sheegay in lacagtii lagu qabtay garoonka Aadan Cadde in loo waday ciidammada militariga Soomaaliya oo ay mushaar ahayd. Lama oga xiriirka ka dhaxeeya lacagta la qabtay iyo go'aanka lagu laalay heshiiskii militariga ee labada dal.
Balse marar badan warar kusoo baxay warbaahinta gudaha ayaa lagu sheegay in ciidammada Imaaraatka ay tabobaraan aysan ka amar qaadanin saraakiisha dowladda Soomaaliya, iyada oo dhawr jeer ay dhaceen dhacdooyin xagga amniga ah oo ay askartan ku lug leeyihiin.

Comments

Popular posts from this blog

Cafisku waa qayb kamida caafimaadka aadanaha W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka. Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada. Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay. Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay. 1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka. 2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l