Skip to main content

nimco waliba nusqaanteeda ayey leedahay

22ka April,  2018. Sida lawada ogsoon yahay guud ahaan soomaalida geeska Africa degta gaar ahaan soomaalida itoobiya waxaa intabadan saamayn jiray abaaro soo noq-noqda oo dhaca sanadkiiba halmar ama labadii sanaba mar maadaama oo aysan  sifiican  uheli jirin roobabkii xiliilaha ahaa ee di’i jiray   gu’ga iyo dayrta ama ay waayi jireen sanad ama laba sanaba  taasi oo ay keentay aqoon la’aan, wacyigalinta oo yarayd iyo u diyaarsasho weel la’aanta  bulshada iyadoo xaalada isbadalka cimilada aduunka ee deegaanka kuwajahan aan lasaadaalin karin taasi oo sababi jirtay abaaro ba’an oo gaysta khasaare naf iyo maalba leh dad iyo duunyaba .
nimco waliba nusqaanteeda ayay leedahaye waxaa wakhti-xaadirkan guud ahaanba deegaanka kacurtay roobab laxaadleh oo khasaare Naf iyo maalba leh gaystay sababayna fatahaado laxaadleh iyadoo ay marar badan xukuumada deegaanku horey uga digtay balse kudhawaad  in kabadan mudo laga joogo 30 sano aysan roobabkan oo kale deegaanka kadi’in. Roobabkan ayaana khasaare kagaystay guud ahaanba degmooyinka kuteedsan jiinka wabiga shabeele ee sida iimay-bari, qalaafo, mustaxiil oo ah mida ugu daran una baahan gurmad deg-dega ah, feer-feer,  goday iyo xaafado kamid ah magaalada jigjiga oo kuyaala jiinka togga faafaneed ee dhexmara magaalada jigjiga.
mudan inay xukuumada Deegaanku agab iyo raashinka noocyadiisa kaladuwan gaadhsiisay bulshada ay fatahaada roobka togga faafaneed saamaysay ee xaafadaha magaalada jigjiga waxayna xukuumada urartay  oo wakhtixaadirkan udhaqaaqaya goobaha sii daran gaadiid sida agabyo iyo raashinka noocyadiisa kaladuwan oo deeq ah. Waxaase wax lagu farxo ah islamarkaana illahay loogu mahadiyo in ay buuxsameen dhamaan biyo xidheenadii waawaynaa ee waraabka, kuwii dhexe, kuwii yaryaraa iyo dhamaan barkadihii deegaanka laga sameeyay oo muddo yar kahor faaruq ahaa.
Dhinaca kale xukuumada deegaanka ayaa waxay ku boorinaysaa  guud ahaanba bulshada deegaanka inayka feejignaadaan  fatahaadaha roobka  islamarkaana ay roobabka laxaadka leh uga  faaiidaystaan dhinaca tabcashada beeraha iyo kaydsiga  biyaha.
Ugudambayna, hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee heer deegaan iyo heer fadaraal iyo dawlada faderaalka ahba ee bahwadaagta la ah xafiiska kahortaga iyo udiyaargarowga masiibooyinka DDSI waxaa laga sugayaa inay kaalintooda kaqaataan gurmad deg deg ahna gaadhsiiyaan bulshada ay saamaysay fatahaada roobku ee degan meelaha ay fatahaaduhu kadhaceen ee saaran jiinka wabiyada iyo meelaha ay maraan toggoga waawayn ee deegaanka iyagoo latashanaya xukuumada Deegaanka gaar ahaan xafiiska kahortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI. 
waxaa diyaariyey cabdicasiis abiib mohamuud 

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........