MJ DeMarco waa ganacsi-aasaase millionaire ah wuxuuna qoray buug la yidhaa: The Millionaire Fastlane: Crack the Code to Wealth and Live Rich for a Lifetime
     MJ DeMarco  waa   ganacsi-aasaase  millionaire  ah wuxuuna qoray buug la yidhaa:  The Millionaire Fastlane: Crack the Code to Wealth and Live Rich for a Lifetime   Qoraagu wuxuu buuggan faah-faahin kaga bixiyay sidu ku noqoday  millionaire  isagoo nolosha ka bilaabay meel hoose. Waxa kaluu buuga ku soo jeediyay talooyin aad u fiican oo ku saabsan horumarka iyo ganacsiga oo qof-kasta ku dabaqi karo noloshiisa.   Qoraagu wuxuu kusoo koray magaalo maraykanka ku taal wuxuuna ka dhashay qoys aan wax badan haysan. Beriguu yaraa ayuu maalin arkay nin dhalinyaro ah oo wata baabuurka qaaliga ah ee loo yaqaan  Lamborghini . Maalintaas ayuu qoraagu go’aansaday inuu taajir noqodo  intuuna  gaboobin.   Hase-yeeshee, markuu koray nolol adag buu la kulmay waxaana qasab ku noqotay inuu ka shaqeeyo shaqooyin hoose oo nadaafada ku saabsan. Hadana marnaba kamuu tanaasulin riyadiisi taajirnimo. Had iyo jeer wuxuu ka fakari jiray siduu maruun uga hoos b...