Skip to main content

Sanadkii ugu nolosha xumaa ee soo maray taariikhda Adduunka




Haddii ay kula tahay in waqtigan lagu jiro xilliyo adag, bal dhankan ka fiiri arrimaha: xaaladdu sidan aad bay uga xumaan lahayd haddii aan ku jirno sanadkii AD536.
Sida laga soo xigtay taariikh yahanka jaamacadda Harvard, ee lagu magacaabo Michael McCormick, "wuxuu waqtigaas ahaa mid ka mid ah kuwii ugu xumaa, hadduusanba ahayn sanadkii ugu xumaa ee dunida soo mara", ee lagu noolaado meelo ka mid ah caalamka.
Ceeryaamo aan la garaneynin sababta ay ku timid ayaa mugdi u baddashay Yurub, Bariga Dhexe iyo qeybo kale oo ka mid ah qaaradda Aasiya - mugdi maalin iyo habeen ah - ayaa muddo 18 bilood ah, sida uu McCormick ku qoray maqaal lagu daabacay wargeyska ka faallooda arrimaha seynisya.
Heer kulka xilliga kuleylaha ee sanadkii 536-kii wuxuu hoos ugu dhacay 1.5C ilaa 2.5C, taasoo horseedday tobankii sano ee ugu qaboobaa dunida, muddadii 2300-ka ahayd ee lasoo dhaafay gudaheeda.
Baraf ayaa xilliga kuleylaha ku da'ayay Shiinaha: dalagyadii beeraha way baaba'een, dadkuna aad bay u gaajoonayeen.
Xarunta taariikha wax ka qorta ee Irish-ka waxay diiwaan galisay "cunto la'aan ba'an oo jirtay intii u dhaxeysay sannadihii 536-539".
Kaddib, sanadkii 541-kii, cudur lagu magacaabay 'bubonic plague', oo ka dhashay bakteeriya ayaa ka dillaacay boortooyadii ay Roomaanka ku lahaayeen dalka Masar.
Wuxuu noqday cudur u faafay si xad-dhaaf ah, isagoo dilay saddex meelood meel ka mid ah shacabkii boqortooyada Roomaanka ee dhinaca bari, sidoo kalena wuxuu horseeday inay gabi ahaanba burburto boqortooyadaas, sida uu sheegay McCormick.
Laakiin maxaa sii xoojiyay dhacdooyinkan xiriirka ah ee dhibaatada galiyay caalamka?

Saacad mugdi ah



Dadka taariikhda ku xeel dheer waxay muddo dheer ogaayeen in bartamihii qarnigii lixaad uu ahaa saacad mugdi ah, xilligaasoo lagu magacaabi jiray "Dark Ages" (waqtigii madoobaa ee dunida soo maray). Laakiin waxaa muddo dheer xujo noqotay in la fahmo sababta ka dambeysay daruuraha ceeryaamada keenayay.
Hadda cilmibaareyaasha Jaamacadda Harvard waxay iyagoo seyniska adeegsanaya sharraxaad u heleen xaalado horay usoo maray dadkii dunida kusoo noolaa waqtiyo hore.
Waxay baaritaan ku sameeyeen baraf ku jira biyaha loo yaqaanno Swiss glacier.
Barafkii sameysmay xilligii guga ee sanadkii 536, ayaa laga dhex helay waxyaabo ili maqabato ah oo lagu ogaaday inay folkaano weyn ka qaraxday Iceland - ama meel ay suurtagal tahay inay ahayd Waqooyiga America - taasoo dabkeeda iyo qiiqeexada ku fidisay dhul aad u ballaaran.
Waxay aqoonyahannadu aaminsan yihiin in ceeryaamada ka dhalatay qaraxa folkaanada ay qaadeen dabeylo gaarsiiyay Yurub, kaddibna Aasiya, iyadoo ay la socotay cimilo qabow.
Waxaa xigay labo folkaano oo kale oo aad u waaweynaa, kuwaasoo qarxay sannadihii 540 iyo 547.

Soo kabasho

Musiibooyinka soo noqnoqday waxaa xigay dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah oo dhulka la sintay Yurub, taasoo socotay muddo boqol sano ah, ilaa laga gaaray sanadkii 640-kii.
Glacier (file picture)Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionBarafka wuxuu noo sheegi karaa taariikh dhacday sannado aad iyo aad u badan ka hor
Barafkii sameysmay sanadkaas wuxuu sharraxayaa in dhaqaalihii xilliyadii dhexe ee taariikhda dunida uu dib usoo kabanayay mar kale.
Cilmi baareyaasha waxay ogaadeen inuu barafka kor u kacay waqtigaas, taasoo ka dhigan in dib loo billaabay qodashada macdanka, oo markii dmabe hoos u dhacday markii la gaaray sannadihii 500.
Sare u kac labaad ayaase cirka isku shareeray markii la galay 660-kii, kaasoo ka dhigan in uu xoogeystay hindisaha kheyraadka macdanta ee kobciyay dhaqaalaha xilliyadii dhexe.
Kyle Harper, oo ah taariikhyahan u kuur gala waxyaabihii dhacay waqtigaas, kuna sugan Jaamacadda Oklahoma ee ku taalla Norman, ayaa sheegay in musiibooyinka faraha badan iyo waxyaabihii ay bani'aadanka sameynayeen ay caddeymahooda ku daadanayeen barafka, taasoo "na fahansiineysa sida ay wax u dhacayeen iyo saameyntii dadka kasoo gaareysay musiibooyinkaas horseeday burburkii boqortaayadii Roomaanka iyo soo gabashadii cusbeyd ee dhaqaalaha."
Xogtan barafowday waxay seynisyahannada u sahashay inay toosh ku ifiyaan waxa ilaa hadda loo aqoonsan yahay xilligii ugu adkaa ee soo maray taariikhda reer Galbeedka.






Comments

Popular posts from this blog

Cafisku waa qayb kamida caafimaadka aadanaha W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka. Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada. Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay. Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay. 1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka. 2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l