Skip to main content

MJ DeMarco waa ganacsi-aasaase millionaire ah wuxuuna qoray buug la yidhaa: The Millionaire Fastlane: Crack the Code to Wealth and Live Rich for a Lifetime

MJ DeMarco waa ganacsi-aasaase millionaire ah wuxuuna qoray buug la yidhaa: The Millionaire Fastlane: Crack the Code to Wealth and Live Rich for a Lifetime
Qoraagu wuxuu buuggan faah-faahin kaga bixiyay sidu ku noqoday millionaire isagoo nolosha ka bilaabay meel hoose. Waxa kaluu buuga ku soo jeediyay talooyin aad u fiican oo ku saabsan horumarka iyo ganacsiga oo qof-kasta ku dabaqi karo noloshiisa.
Qoraagu wuxuu kusoo koray magaalo maraykanka ku taal wuxuuna ka dhashay qoys aan wax badan haysan. Beriguu yaraa ayuu maalin arkay nin dhalinyaro ah oo wata baabuurka qaaliga ah ee loo yaqaan Lamborghini. Maalintaas ayuu qoraagu go’aansaday inuu taajir noqodo intuuna gaboobin.
Hase-yeeshee, markuu koray nolol adag buu la kulmay waxaana qasab ku noqotay inuu ka shaqeeyo shaqooyin hoose oo nadaafada ku saabsan. Hadana marnaba kamuu tanaasulin riyadiisi taajirnimo. Had iyo jeer wuxuu ka fakari jiray siduu maruun uga hoos bixi lahaa shaqooyinkan dawaamka ku xidhan ee maamule laga amar qaadanayo.
Ka dib qoraagu wuxu galay dhawr sano oo dadaal iyo wax-isbarid. Dhawrkan sano wuxuu sameeyay tijaabooyin kala duwan oo ganacsi ah oo qaar badan ka fashilmeen. Laakin ugu danbayntii, shirkad uu aasaase oo u najaxday ayuu sii iibiyay kana helay lacag badan. Tani waxay u saamaxday inuu shaqada ka fadhiisto (retire) isagoo ah taajir dhawr iyo sodon jir ah.

Taajirnimo maxay faaido leeday?

Taajirnimo faaidodeeda ugu weyn waa xorriyad. Markaad heer taajir gaadhid waxaad helaysaa fursad aad waqtigaaga sidaad rabtid u maamushid adoon cidna ka qaadan idan ama ogolaansho. Inaad waqtigaaga xor u noqotidna waa waxyaabaha ugu qaalisan nolosha.

Jidka gaabiya ee taajirnimada

Waxa caalamka badankii caado ka noqotay in qof-ka raba inuu nolosha ku najaxo marka hore jaamacad ka baxo hadana shirkad ama dawlada u shaqo tago mushaharkiisana urursado.Hadhow markuu shaqada ka fadhiistana wixii uu hore u dhigtay ayuu ku raaxaysanayaa. Laakiin, dariiqan hadaad xataa ku guulaysatid waxaad midhihiisa dhadhamin doontaa goor ay noloshaadu gabal-dhac marayso! Qoraagu dariiqan wuxuu u bixiyay jidka gaabiya (The slow Lane), wuxuuna ku leeyay, jidka gaabiya uuma fiicna himiladaada in kastoo dad badani kuu xayaysiin doonaan. Dadka haysta jidka gaabiya waxay caadaysteen shaqooyinkooda dawaamka ah waxayna u noolyiin maalmaha fasaxa ah ee usbuuca (the weekend) ayaamaha kalena shaqo ayna jeclayn bay u adkaystaan.

Jidka dhaksaha badan ee taajirnimada

Dhinaca kale, qoraagu wuxu qeexay dariiqa uu isagu ku taajiray uuna bixiyay jidka dhakhsaha badan (The fastlane). Hadaba jidka ugu dhakhsaha badan ee taajirnimadu waa inaad noqotid ganacsi-aasaase. Hadaad ganacsi ku najaxdid waxaad taajir noqon kartaa adoon wali gaboobin. Laakiin ogow, jidka dhakhsaha badan wuxuu u baahanyay dadaal iyo daacadnimo. Qoraagu laftigiisa waqti bay ku qaadatay inuu shirkadiisa dhiso oo millionaire noqdo.

Kala saar waqtigaaga iyo dakhligaaga

Dadka shaqeeya badankood dakhliga soo galaa wuxuu ku xidhanyay tirada waqti ay shaqeeyaan (saacadaha, maalmaha ama usbuucyada). Laakiin maadaam uu waqtigaad shaqayn kartid xadidanyay, waqtigaagu seetuu ku yahay dakhligaaga. Dhinaca kale, ganacsi-aasaasuhu markuu ganacsiga ku najaxo dakhligu ka maalo kuma xidhna waqtigu galiyay. Ganacsiga marka si sax ah loo dhiso wuxu noqonayaa sida machine is-wada oo kaaga baahanuun inaad dhusha ka maamushid. Markaad heerkaa gaadhid waqtiguu kaaga baahanyay wuu sii yaraanayaa kolba, isagoo dakhliga kasoo galaana sii kordhayo! Heer waxaad gaadhi kartaa uu ganacsigaagu kuu shaqaynayo adoo madcam-ka iskaga qadaynaya, adoo dalxiisaya iyo waliba adoo hurda! Markaa qoraaga buuggani wuxuu kugula talinayaa inaad ka baxdid dadka waqtigooda loogu badalo mushahar ood noqotid qof waqtigiisa iyo dakhligiisu kala madaxbanaanyiin. Dadka shaqooyinka dawaamka caadaystay waxay u arkaan waqtiga wax badan oo si fudud loo bixin karo halkuu ganacsi aasaasuhu u arko waxa ugu qaalisan ee uu haysto.

Sidee ganacsi-aasaase loo noqodaa?

Qoraaga buuggani wuuxu soo bandhigay talooyin aad uu faaido badan oo ku saabsan habka ganacsi-aasaase loo noqodo:
  1. Marku ugu horaysa waa inaad u fakartid sida wax soo saare (producer). Hadaad u fiirsatid: badeecad kastood gadatid iyo adeeg kastood isticmaashid dad kula mid ah baa sameeyay. Hadaad rabtid inaad ganacsi-aasaase naajix ah noqotid waa inaad go’aansatid inaanad waligaa ahaanuun macmiil (consumer) ee aad noqotid wax soo saare (producer). Markaad sida wax soo sare u fakartid waxaa kuu muuqan doona fursado ganacsi oo kaa qarsoonaa.
  2. Sirta guushu kuma jirto fikrada ganacsi eed haysatid ee waxay ku jirtaa habkaad u fulisid fikradaas. Inuu ganacsigaagu najaxo iyo in kale waxay ku xidhantay habkaad fikradaada u fulisid.
  3. Hadaad ganasi-aasaase noqonaysid waad inaad dhistid cilmigaaga ku saabsan maaliyada.
  4. Fikrad kaliya dooro oo iyada fulinteeda xoogga saar oo marba fikrad ha ku boodin.
  5. Ka foggow ganacsiga cid kasta bilaabi karto waayo saaxadaas waxa ka jira tartan culus.
  6. Markaad ganacsi dhisaysid ogow inaad dhisaysid magac iyo sumcad.
  7. Ugu dambayn, macmiishaada ilaali oo faaido iyo adeeg waanaagsan ha kaa helaan.

Gabagabo

Way kugu jirtaa karti aad ku noqdotid ganacsi-aasaase taajir ah. Laakiin marka hore waa inaad caqliyada wax soo saaraha qaadatid kuna tala gashid inaad ka xorowdid shaqooyinka dawaamka ah. Dad badan baa ku riyooda inay ganacsi-aasaase noqdaan laakiin waxa la hadha caadooyin yar-yar oo horumarkooda u daran. Tusaale ahaan, dad badani waxay u maleeyaan inay waxbarashadu dhamaato maalintay jaamacada ka qalin-jabiyaan, halkay dadka ganacsiga ku horumaray ay ogyiin inayna waxbarashadu waligeed istaagin.
Ugu dambayn, jidka taajirnimadu wuu kuu furanyay hadaad ka gudbi kartid cabsidaada.

Cabdicasiis abiib mohamuud

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........