Skip to main content

Posts

Showing posts from June 2, 2020

Shah Rukh Khan oo u gurmaday cunuggii damcay inuu kiciyo hooyadiis oo dhimatay

Shah Rukh Khan oo u gurmaday cunuggii damcay inuu kiciyo hooyadiis oo dhimatay 1 Juunyo 2020 La wadaag qodobkan Facebook   La wadaag qodobkan WhatsApp   La wadaag qodobkan Messenger   La wadaag qodobkan Twitter   La wadaag Lahaanshaha sawirka HINDUSTAN TIMES Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka Hindiya, Shah Rukh Khan ayaa la murugooday dhacdada ku saabsan cunug yar oo isku dayay inuu kiciyo hooyadiis oo ku geeriyootay goobta laga raaco tareennada. Hay'adda samafalka Meer Foundation, oo uu leeyahay atoorahan, ayaa ballan qaadday inay dhaqaale ku caawineyso cunuggaas yar oo laga arkay muuqaal laga soo duubay boosteejada tareennada ee Muzaffarpur. Ilmaha yar ayaa muuqaalka sida weyn u faafay laga daawaday isagoo isku dayaya inuu kiciyo hooyadiis oo goobta ku geeriyootay, xilli ay jiraan dhibaatooyin heysta dadka qaxootiga ah. Meer Foundation ayaa baraha bulshada ku shaacisay sawir uu ka muuqdo cunugga yar oo la jooga ayeydiis iyo awow