Wabiga Nile: Itoobiya oo oggolaatay iney dib u dhigto biyo-xireenka 27 Juunyo 2020, 12:21 EAT Waa la cusbooneysiiyay Saacad ka hor Biyo-xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nille Qoraalka sawirka, Biyo-xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nille Madaxda dalalka Suudaan, Itoobiya iyo Masar ayaa magaalada Addis Ababa ku gaadhay heshiis ah in dib loo dhigo keydinta biyaha biyo-xireenka ilaa ay seddexda dal ka gaarayaan heshiis dhammeystiran. Seddex dal heshiiska ay ku gaareen magaalada Addis Ababa wuxuu dhigayaa iney ku laabtaan wadaxaajoodkii seddex geesoodka ahaa isla-markaana usbuucyada soo socda ay gaaraan heshiis kama dambeys ah. Xukumadaha Khartuum iyo Qaahira warmurtiyeedyo heshiiska ku saabsan oo ay soo saareen ayay ku sheegeen go'aanka Itoobiya ay ku waafaqdo iney dib u dhigto biya keydinta ay gacan ka geysaneyso heshiis buuxa iney seddexda dal gaaraan. Heshiiskan la shaaciyey gelinki dambe ee Jimcaha ayaa lagu sheegay inuu noqonayo mid soo afjaro ismariwaagi toddobaadyada taagnaa ee ka dhashay mashruuca weyn ee ay Itoobiya dhiseyso oo ay ku kaceyso miisaaniyad ka badan $4.6 bilyan oo doolar. Itoobiyana waxay in mudda ah ku adkeysaneysay iney keydinta biyo-xireenka dhisamahiisa uu hadda marayo 70% ay billaawdo xilli roobaadka bisha July ee soo socota. Dhinaca Itoobiya weli wax war oo ku saabsan heshiiskaasi la gaaray kama soo bixin, marka laga reebo farriin uu Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay oo uu ku sheegay kulanka Midowga Afrika uu hormuudka ka ah ee ay seddexda dal yeesheen inuu "mira dhal ahaa". Xurguftii Masar iyo Itoobiya ee wabiga Nile wali fari kama qodna Hase yeeshee, wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta ee dalka Itoobiya Dr Silashi Beqele wuxuu bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay Itoobiya, Masar iyo Suudaan iney wadahadallada toddobaadyada soo socda iney heshiis seddex geesoodka ku soo gabagabeeyaan. Heshiiskaasina uu dhexdhexaadinayey guddoomiyaha midowga Afrika Cyril Ramaphosa oo ay seddexda dal saxiixeen waxay ku heshiiyeen 2-3 usbuuc iney heshiis kama dambeys ah ku gaaraan. . Qoraalka sawirka, Biyo xireenka webiga Nile Itoobiya waxay mar weliba ku adkeysaneysay mashruuca biyo-xireenka aadka u weyn ay uga faa'ideysani lahaayeen malaayiin shacab ah oo saboolnimo ku sugan. Dalka Masar oo 90% biyaha dalkaasi laga cabbo ka helo wabiga Nile ayaa welwel aad u weyn ka qabto inuu biyo-xireenkan uu biyaha Masar ay heli jirtay uu yareeyo, taasina ay saameyn u geysato shacabka 100-ka malyan kor u dhaafay ee reer Masar. Masarna waxay Qaramada Midoobay ugu baaqday inay soo farageliso muranka ka dhashay biya xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso Wabiga Nile. Ra'isal wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduk wuxuu isna sheegay waddamada uu maro wabiga Nile iney ku heshiiyeen wadaxaajoodkii seddex geesoodka dib loo billaabo si ay guddiyada farsamada ay laba toddobaad gudahood ay u gaaraan heshiis kama dambeys ah. Itoobiya: "Masar waxay carqaladeyneysaa wadahadallada seddex geesoodka ee socda" Wuxuuna Ra'isal wasaaraha Suudaan uu intaa ku daray "iney Suudaan biya-xireenkaasi si weyn uga faa'ideysaneyso, khataraha ka imaan kara haddii aan xal loo helinna ay tahay waddanka ugu horreya uu dhibka ugu weyn ka soo gaari karo, isaga oo Masar iyo Itoobiya ugu baaqay iney gaaraan xal waara." .
W abiga Nile: Itoobiya oo oggolaatay iney dib u dhigto biyo-xireenka 27 Juunyo 2020, 12:21 EAT Waa la cusbooneysiiyay Saacad ka hor Qoraalka sawirka, Biyo-xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nille M adaxda dalalka Suudaan, Itoobiya iyo Masar ayaa magaalada Addis Ababa ku gaadhay heshiis ah in dib loo dhigo keydinta biyaha biyo-xireenka ilaa ay seddexda dal ka gaarayaan heshiis dhammeystiran. Seddex dal heshiiska ay ku gaareen magaalada Addis Ababa wuxuu dhigayaa iney ku laabtaan wadaxaajoodkii seddex geesoodka ahaa isla-markaana usbuucyada soo socda ay gaaraan heshiis kama dambeys ah. Xukumadaha Khartuum iyo Qaahira warmurtiyeedyo heshiiska ku saabsan oo ay soo saareen ayay ku sheegeen go'aanka Itoobiya ay ku waafaqdo iney dib u dhigto biya keydinta ay gacan ka geysaneyso heshiis buuxa iney seddexda dal gaaraan. Heshiiskan la shaaciyey gelinki dambe ee Jimcaha ayaa lagu sheegay inuu noqonayo mid soo afjaro ismariwaagi toddobaadyada taagnaa ee ka dhashay mashruuca weyn e...