Skip to main content

Wabiga Nile: Itoobiya oo oggolaatay iney dib u dhigto biyo-xireenka 27 Juunyo 2020, 12:21 EAT Waa la cusbooneysiiyay Saacad ka hor Biyo-xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nille Qoraalka sawirka, Biyo-xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nille Madaxda dalalka Suudaan, Itoobiya iyo Masar ayaa magaalada Addis Ababa ku gaadhay heshiis ah in dib loo dhigo keydinta biyaha biyo-xireenka ilaa ay seddexda dal ka gaarayaan heshiis dhammeystiran. Seddex dal heshiiska ay ku gaareen magaalada Addis Ababa wuxuu dhigayaa iney ku laabtaan wadaxaajoodkii seddex geesoodka ahaa isla-markaana usbuucyada soo socda ay gaaraan heshiis kama dambeys ah. Xukumadaha Khartuum iyo Qaahira warmurtiyeedyo heshiiska ku saabsan oo ay soo saareen ayay ku sheegeen go'aanka Itoobiya ay ku waafaqdo iney dib u dhigto biya keydinta ay gacan ka geysaneyso heshiis buuxa iney seddexda dal gaaraan. Heshiiskan la shaaciyey gelinki dambe ee Jimcaha ayaa lagu sheegay inuu noqonayo mid soo afjaro ismariwaagi toddobaadyada taagnaa ee ka dhashay mashruuca weyn ee ay Itoobiya dhiseyso oo ay ku kaceyso miisaaniyad ka badan $4.6 bilyan oo doolar. Itoobiyana waxay in mudda ah ku adkeysaneysay iney keydinta biyo-xireenka dhisamahiisa uu hadda marayo 70% ay billaawdo xilli roobaadka bisha July ee soo socota. Dhinaca Itoobiya weli wax war oo ku saabsan heshiiskaasi la gaaray kama soo bixin, marka laga reebo farriin uu Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay oo uu ku sheegay kulanka Midowga Afrika uu hormuudka ka ah ee ay seddexda dal yeesheen inuu "mira dhal ahaa". Xurguftii Masar iyo Itoobiya ee wabiga Nile wali fari kama qodna Hase yeeshee, wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta ee dalka Itoobiya Dr Silashi Beqele wuxuu bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay Itoobiya, Masar iyo Suudaan iney wadahadallada toddobaadyada soo socda iney heshiis seddex geesoodka ku soo gabagabeeyaan. Heshiiskaasina uu dhexdhexaadinayey guddoomiyaha midowga Afrika Cyril Ramaphosa oo ay seddexda dal saxiixeen waxay ku heshiiyeen 2-3 usbuuc iney heshiis kama dambeys ah ku gaaraan. . Qoraalka sawirka, Biyo xireenka webiga Nile Itoobiya waxay mar weliba ku adkeysaneysay mashruuca biyo-xireenka aadka u weyn ay uga faa'ideysani lahaayeen malaayiin shacab ah oo saboolnimo ku sugan. Dalka Masar oo 90% biyaha dalkaasi laga cabbo ka helo wabiga Nile ayaa welwel aad u weyn ka qabto inuu biyo-xireenkan uu biyaha Masar ay heli jirtay uu yareeyo, taasina ay saameyn u geysato shacabka 100-ka malyan kor u dhaafay ee reer Masar. Masarna waxay Qaramada Midoobay ugu baaqday inay soo farageliso muranka ka dhashay biya xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso Wabiga Nile. Ra'isal wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduk wuxuu isna sheegay waddamada uu maro wabiga Nile iney ku heshiiyeen wadaxaajoodkii seddex geesoodka dib loo billaabo si ay guddiyada farsamada ay laba toddobaad gudahood ay u gaaraan heshiis kama dambeys ah. Itoobiya: "Masar waxay carqaladeyneysaa wadahadallada seddex geesoodka ee socda" Wuxuuna Ra'isal wasaaraha Suudaan uu intaa ku daray "iney Suudaan biya-xireenkaasi si weyn uga faa'ideysaneyso, khataraha ka imaan kara haddii aan xal loo helinna ay tahay waddanka ugu horreya uu dhibka ugu weyn ka soo gaari karo, isaga oo Masar iyo Itoobiya ugu baaqay iney gaaraan xal waara." .

Wabiga Nile: Itoobiya oo oggolaatay iney dib u dhigto biyo-xireenka

Biyo-xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nille
Qoraalka sawirka,

Biyo-xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nille

Madaxda dalalka Suudaan, Itoobiya iyo Masar ayaa magaalada Addis Ababa ku gaadhay heshiis ah in dib loo dhigo keydinta biyaha biyo-xireenka ilaa ay seddexda dal ka gaarayaan heshiis dhammeystiran.

Seddex dal heshiiska ay ku gaareen magaalada Addis Ababa wuxuu dhigayaa iney ku laabtaan wadaxaajoodkii seddex geesoodka ahaa isla-markaana usbuucyada soo socda ay gaaraan heshiis kama dambeys ah.

Xukumadaha Khartuum iyo Qaahira warmurtiyeedyo heshiiska ku saabsan oo ay soo saareen ayay ku sheegeen go'aanka Itoobiya ay ku waafaqdo iney dib u dhigto biya keydinta ay gacan ka geysaneyso heshiis buuxa iney seddexda dal gaaraan.

Heshiiskan la shaaciyey gelinki dambe ee Jimcaha ayaa lagu sheegay inuu noqonayo mid soo afjaro ismariwaagi toddobaadyada taagnaa ee ka dhashay mashruuca weyn ee ay Itoobiya dhiseyso oo ay ku kaceyso miisaaniyad ka badan $4.6 bilyan oo doolar.

Itoobiyana waxay in mudda ah ku adkeysaneysay iney keydinta biyo-xireenka dhisamahiisa uu hadda marayo 70% ay billaawdo xilli roobaadka bisha July ee soo socota.

Dhinaca Itoobiya weli wax war oo ku saabsan heshiiskaasi la gaaray kama soo bixin, marka laga reebo farriin uu Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay oo uu ku sheegay kulanka Midowga Afrika uu hormuudka ka ah ee ay seddexda dal yeesheen inuu "mira dhal ahaa".

Hase yeeshee, wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta ee dalka Itoobiya Dr Silashi Beqele wuxuu bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay Itoobiya, Masar iyo Suudaan iney wadahadallada toddobaadyada soo socda iney heshiis seddex geesoodka ku soo gabagabeeyaan.

Heshiiskaasina uu dhexdhexaadinayey guddoomiyaha midowga Afrika Cyril Ramaphosa oo ay seddexda dal saxiixeen waxay ku heshiiyeen 2-3 usbuuc iney heshiis kama dambeys ah ku gaaraan.

.
Qoraalka sawirka,

Biyo xireenka webiga Nile

Itoobiya waxay mar weliba ku adkeysaneysay mashruuca biyo-xireenka aadka u weyn ay uga faa'ideysani lahaayeen malaayiin shacab ah oo saboolnimo ku sugan.

Dalka Masar oo 90% biyaha dalkaasi laga cabbo ka helo wabiga Nile ayaa welwel aad u weyn ka qabto inuu biyo-xireenkan uu biyaha Masar ay heli jirtay uu yareeyo, taasina ay saameyn u geysato shacabka 100-ka malyan kor u dhaafay ee reer Masar.

Masarna waxay Qaramada Midoobay ugu baaqday inay soo farageliso muranka ka dhashay biya xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso Wabiga Nile.

Ra'isal wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduk wuxuu isna sheegay waddamada uu maro wabiga Nile iney ku heshiiyeen wadaxaajoodkii seddex geesoodka dib loo billaabo si ay guddiyada farsamada ay laba toddobaad gudahood ay u gaaraan heshiis kama dambeys ah.

Wuxuuna Ra'isal wasaaraha Suudaan uu intaa ku daray "iney Suudaan biya-xireenkaasi si weyn uga faa'ideysaneyso, khataraha ka imaan kara haddii aan xal loo helinna ay tahay waddanka ugu horreya uu dhibka ugu weyn ka soo gaari karo, isaga oo Masar iyo Itoobiya ugu baaqay iney gaaraan xal waara."

.

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........