Skip to main content

G uddiga ka Hortaga Caabuqa COVID19 ayaa Yeeshay Kulankoodii Caadiga

G uddiga ka Hortaga Caabuqa COVID19 ayaa Yeeshay Kulankoodii Caadiga 

Guddiyada Sare ee ka Hortaga, Xakamaynta iyo Wacyigalinta Cudurka COVID19 Ee Degaanka Soomaalida oo ka duulaya sii'adkaynta shaqooyinka ka hortaga karoona fayraska ayaa yeeyashay kulan koodii joogtada ahaa.

Kulanka oo uu  shir gudoomiyay Madaxwayne Ku Xgeenka DDS Mudane Ibraahim Cismaan ayna ka soo qayb galeen masuulinyiinta gudiyada ayaa waxaa ugu horayn la isku xog waydaarsaday xaaladaha u.danbeeyay ee halista cudurka iyo dhibaatooyinka uu keenay.
 
Waxayna guddiyada ka hortagu ay soo jeediyeen in uu caabuqa karonaa fayrasku sii kordhayo kuna sii faafayo bulshada gudaha degaanka dhinaca bulshadana ay ka muuqato dhayalsi badan iyo taxadar la'aan ayna ugu daran yihiin maamul magalooyinka iyo degmooyinka 

Kulanka oo lagu gorfeeyay arimaha caabuqa COVID19 ka ayaa la iskula qaatay.

☆ In la siixoojiyo shaqooyinka ka hortaga oo aan laga caajisin dadaalada ka hortaga iyo xakamaynta cudurka.
☆ In la sii adkeeyo hawlaha hirgalinta bayaanka xaalada degdega.
☆ In la sameeyo daraasadyo lagu iftiimiyo dhibaatooyinka dhaqaale iyo bulsho ee uu keeni karo karoona fayrasku , iyo
☆ Inay guddi hoosaadyadu shaqooyinkooda sii adkeeyaan.

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........