Skip to main content

Posts

Showing posts from August 27, 2019

ODHAAHDA MAANTA IYO DDS

Odhaahda Maanta (Talk of the Town) Tababar gaar ah ayaa u socda madaxda SRS. Sida la'iigu fasiray, waa seminar dhowr qaybood leh oo madaxda sare DDS lagu hanuuninayo falsafada R/W Abiy Axmed rabo in uu ku dhaqo dalka Itoobiya. Waxa falsafada loo bixiyey "Medemer" ama isku jamcin. Hadaad sii balaadhiso hadafka Medemer waxa uu noqon karaa salbalaadhin. R/W Abiy markuu xukunka la wareegay Medemer danta weyn ee laga lahaa waxay ahyd ama u ekayd isu soo ururin qowmiyadaha Itoobiya ee kala irdhoobay. Hadse falsafad Abiy leeyahay ayey noqotay, sidii tii Moa Zodong taught. Sida ka cad tababarka loo furay madaxda Soomaaliyeed iyo Herarida oo wehelisa, waxa la sheegay in falsafad baaxad leh oo dhameystiran ay Medemer tahay. Tababarka qaybtii ugu horeysay waxa laga fahmey in Medemer ay leedahay nidaam  siyaasadeed iyo dhaqaale (political economy). Waxa lagu sifeeyey Medemer in ay tahay nidaam fakir ka soo ergistay ama maanguuriyey hantiwadaaga iyo hantigoosiga (borrows bes