Skip to main content

ODHAAHDA MAANTA IYO DDS

Odhaahda Maanta (Talk of the Town)

Tababar gaar ah ayaa u socda madaxda SRS. Sida la'iigu fasiray, waa seminar dhowr qaybood leh oo madaxda sare DDS lagu hanuuninayo falsafada R/W Abiy Axmed rabo in uu ku dhaqo dalka Itoobiya. Waxa falsafada loo bixiyey "Medemer" ama isku jamcin. Hadaad sii balaadhiso hadafka Medemer waxa uu noqon karaa salbalaadhin.

R/W Abiy markuu xukunka la wareegay Medemer danta weyn ee laga lahaa waxay ahyd ama u ekayd isu soo ururin qowmiyadaha Itoobiya ee kala irdhoobay. Hadse falsafad Abiy leeyahay ayey noqotay, sidii tii Moa Zodong taught.

Sida ka cad tababarka loo furay madaxda Soomaaliyeed iyo Herarida oo wehelisa, waxa la sheegay in falsafad baaxad leh oo dhameystiran ay Medemer tahay.

Tababarka qaybtii ugu horeysay waxa laga fahmey in Medemer ay leedahay nidaam  siyaasadeed iyo dhaqaale (political economy). Waxa lagu sifeeyey Medemer in ay tahay nidaam fakir ka soo ergistay ama maanguuriyey hantiwadaaga iyo hantigoosiga (borrows best practices from Socialism and Capitalism).

Waxa tabarada qaybtii ugu horeysay la sheegay in xooga la saaray waayo aragnimada Kuuriyada Koonfureed (KK) iyo Jabaan. Waxay u egtahay in la rabo in labaas wadan lagu daydo.

Fakir ku darsasho

Maxuma in la hiigsado waayo aragnimana laga soo ergisto Jabaan iyo KK oo runtii horumer la taaban karo ku gaadhay mudo gaaban gudahood. Waa ku goobaabinayaa R/W in uu hiigsi iyo damac fog yeesho.

Hase yeshee, dhawr ciladood ayaan arkaa:

1. Jabaan: taariilhdu markay ayad 1940hii ilaa 1970hii Boqor Xayle ayaa aad isugu taxluujiyey in uu maanguuriyo modeelka Jabaan (export the Japenes development model). Waxa Boqor Xale soo jiitay isku ekaanshaha labada dhaqan ee fuedalka ah. Khuburo uu Minase Halie oo ah wasiirada ugu cadcadaa Harargena ka soo jeeday loo diray Jabaan wefti uu hogaaminayo. Waxase Xayle garanwaayey in Mareykanku Marshal Plan u dhisay Jabaan sidaasna lagaga soo saaray burburkii 1945. Balyuumaad doolar ayuu Mareykanku galiyey Jabaan. Xataa constitutional Jabaan Maanta leedahay Mareykan ayaa u qoray. Ala ayaa Abiy u sheega!

Kuuriyda Koonfur. KK waxay ka mid ahay dawr dal oo 1960s ilaa 1980s la odhanayey NICS ama Newly Industerialized Countries (dalaka cusub ee warshadoobaya). Markaa Planning school ku jiray ayaan warqad research ah ka qoray. Xiligaas waxa baratan ka dhexeeyey laba model:
Modeelka NICS oo Rer-galbeedku rabeen inaay tusaan in modelkoodu shaqayn karo. Maal iyo mabaadi naas nuujinaysa ayaa rer- galbeedku u dajiyeen (waxa kale oo ka mid ahaa Singbor, Tywaan, Hong Kong). Laakiin Dalalkii Afrika ee nidaamka qaatay kuma najixi (Ivory Coast, Kenya iwl).

Hantiwadaagu waxa isna uu watay model la odhan jiray "non-Capitalist path to a Socialist Development). Waa model aaminsana in heerka hantigoosiga laga boodo oo isla markaasna la galo socialist development. Inta badan laguma najixi. Cuba ugu dhow wax meel ku gaadhay.

Intaas hadaan duuduub ahaan ugu dhaafo labada model taariikhdooda oo kooban, bal ciladan siyaasadeeda aan tilmaamo. R/W Abiy hal sano ayuu xafiiska fadhiyaa. Doorashana wuu u socdaa. Inuu guulaysan iyo inkale Alaahu Yaclam. Miyaan hadaba shaki ku galin karin in uu sidii Mao Zadong iyo kaligii talsyaashii aduunku soo arkay falsafad uu isagu iska leeyahay yidhaa dalkan aan daganayn ayaan ku soo dabaalayaa. Ma in uu soo noqonayo ayuu isasiiyey?
Waanu u fadhinaa!

Waabilaahi Towfiiq

Tan kale, medelda aduunku hada waa sectors qaarna yidhiin hantiwadaag kuwo kalena yihiin hantigoosi. Itoobiyada xadirka ahi waa mix models sida aduunku hada u badanyahay. Airlines oo Itoobiya waa hantigoosi. Caafimaadkuse waa hatiwadaag.

Bal aan u doyaysano falsafada Abiy ee Medemer.

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........