Skip to main content

Posts

Showing posts from August 7, 2019

Faysal abdi roble

Free Suber Cabdi Shimbir Cadayn: Ina Cabdi Shimber waa wiil aanu qaraabo nahay. Rer-galbeedku waxay family u haysteen inta dhaafsan abtirsiinta aabaha. Sidaas darteed Ilma Shugri Gaal Eri oonu habrawadaag nahay ayaa wiilka isku qoys naga dhigaya. Laakiin arintaas ugu ma hadlayo. Xidhigiisu waxa uu isoo xasuusayey erey ay maalin MW Mustafa Cumar iyo kooxdiisu isla dhex mareyeen oo ah Kacdoonku Caruurtiisu Cunaa (Revolution deouvers its children - qoraa horaa yodhii). Hada xidhigi Subeer Cabdi Shimbir ayaa ka marag kacaya maahmaadaas. Taariikhda dib u mililicso. Maqaal aan 1994 qoray waxaan ku soo qaatay dilkii Maxamed Cumar Tube oo TPLF dishay. Waa maqaal dheer oon lahaa TPLF yaan waxba laga sugin. Sheekada Ina Tube ayaa dib iigu celisay 1976 iyo tababarkii WSLF iyo xeradii Qabri baxar oo Lughaya ku taal. Sadex nin ayaa tababarta WSLF ugu magac dheer: Ina Tube oo aroortii  qiyaas 4: 00 AM isaga oo dhangad iyo AK -47 wata, gadh madow oo buuxa leh ku dhawaaqi jiray: " w