Skip to main content

Faysal abdi roble

Free Suber Cabdi Shimbir

Cadayn: Ina Cabdi Shimber waa wiil aanu qaraabo nahay. Rer-galbeedku waxay family u haysteen inta dhaafsan abtirsiinta aabaha. Sidaas darteed Ilma Shugri Gaal Eri oonu habrawadaag nahay ayaa wiilka isku qoys naga dhigaya.

Laakiin arintaas ugu ma hadlayo.

Xidhigiisu waxa uu isoo xasuusayey erey ay maalin MW Mustafa Cumar iyo kooxdiisu isla dhex mareyeen oo ah Kacdoonku Caruurtiisu Cunaa (Revolution deouvers its children - qoraa horaa yodhii).

Hada xidhigi Subeer Cabdi Shimbir ayaa ka marag kacaya maahmaadaas. Taariikhda dib u mililicso.

Maqaal aan 1994 qoray waxaan ku soo qaatay dilkii Maxamed Cumar Tube oo TPLF dishay. Waa maqaal dheer oon lahaa TPLF yaan waxba laga sugin. Sheekada Ina Tube ayaa dib iigu celisay 1976 iyo tababarkii WSLF iyo xeradii Qabri baxar oo Lughaya ku taal.

Sadex nin ayaa tababarta WSLF ugu magac dheer: Ina Tube oo aroortii  qiyaas 4: 00 AM isaga oo dhangad iyo AK -47 wata, gadh madow oo buuxa leh ku dhawaaqi jiray: " wake up! Wake up!" Waa orodkii 4ta mile!!
Maxamed Cali, oo ahaa nin aad u cas oo gadh buuxa leh, laakiin cod yar, Af Carabi iyo Soomaali isku badhxa ayaa la socda. Waa commandos Falastiin soo tababartay. Dhinaca kale waxa had iyo jeer la socday Cabdi Shimbir: waxa uu ahaa nin dhuuban oo timo dheer, energy ka kuuxo oo had iyo jeer nagu wacdiyi jiray Axmaaro waxayeeladeeda.

Wiilkiisii maanta waa maxaabiis.

Cabdi Shimbir waxay walaal ahaayeen Shugri Gaal Eri oo Haberyartay u dhaxday. Waa Cader Cige oo ahyd "Alaqa" ama madaxa aan loo ogayn ee soo uririsa Jabhada.

1976 iyo 1977, dadka rer-Soomali Galbeed aad ugu ma badnay Hargeysa. Inta joogtaana magac wax magac dheer ku leh wuu yaraa. Sidaas darteed wax badan WSLF mahaysan.

Hal xafiis oo buurta ku yaal oo kaliya ayey lahaayeen. Waxay ahayd goobta dadka Jabhada loo qoro laga ambabixiyo. Meelo madaxda ku nasto hal guru oo kaliya ayaa jiray. Waa Gurigii Cader Cige oo ah Muna Shugri Gaal Eri hooyadeed. Yusuf Dheere, Cabdi Shimbir, Maxamed Cali, Tube, Ahmed Cali nuur (Burqaa Tirtira). Gurigaasi waxa uu u ahaa aqal iyo Xafiis labadaba.

Hada waxa Cader Cige ay ka tagtay Caruur ilmo Shugri Gaal Eri iyo Ilma Axmed Cali Nuir ah. Maxamed Cali waxa Caruur u dhashay Gabad familia ah oy iska heleen Gurigii Cader Cigi (Waa rer-Badhcun).

Familika rer-Gaal Eri waa fadaahiyiin rag iyo dumar. Musuq weyn ayey ka haysteen asalkii WSLF.  Xuquuqda yar ee maanta la sheegayo wey u soo kifaaxeen. Waxayse noqdeen reerkii kacdoonku cunay.

Please free Suber Cabdi Shimbir!

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........