Skip to main content

Posts

Showing posts from July 7, 2020

ABIY AXMED OO AF LABADII DHAWAAQAYA

ABIY AXMED OO AF LABADII DHAWAAQAYA July 7, 2020   admin   Leave a comment Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo maanta lahadlayay baarlamaanka dalka ayaa sheegay inuu dalku imtixaan adag ku jiro. Abiy ayaa yidhi mar uu dhanka doorashada ka hadlayay “Karoonaha kahor Xisbiga Barwaaqo doorasho ayuu diyaar u ahaa, balse markii dib loo dhigay ayay kuwii asalkoodu iska mucaaradka ahaa oon ogolaadeen haddii la qaban lahaa doorashada ayaa hadana qaylinaya.” Abiy ayaa sheegay inay dadka qaar leeyihiin Oromo kama dhalanin, wuxuu sidoo kale sheegay in si lamid ah Obama lagu yidhi Maraykanka muusan udhalanin. “Hadaan noqon waayo oromo midka igu xigana Oromo ma aha unbay odhanayaan” ayuu yidhi Abiy. Dalka Itoobiya ayuu ilaa hada dilkii Haacaalu Hundessaa internetku ka go’anyahay kadib markii kacdoon lama filaan ahi ka dhashay dilkii Haacaaluu oo dhacay 29kii June. Hay’adaha Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa walaac badan ka muujiyay internetka ilaa hadda go’an. Oromada dalk

ITOOBIYA OO TALAADADA BUUXINAYSA BIYO-XIDHEENKII GERD

ITOOBIYA OO TALAADADA BUUXINAYSA BIYO-XIDHEENKII GERD July 7, 2020   admin   Leave a comment Itoobiya ayaa sheegtay in habeenimada Talaadada ah ee soo socota labilaabi doono buuxinta Wabiga Abay. Waa arin culus oo mudo badan muran ka taagnaa, waxaanse cadayn oo ay su’aali kataagan tahay sida loo buuxin doono, ma sanado badan ayaa lagu buuxin doonaa?, mise sanado kooban ayaa lagu buuxin doonaa?. Muranka ugu badan ayaa ka taagnaa dhanka sharciyada iyo xiliyada abaaraha sida laga yeeli doono biyaha ilaa hadana arintaas ma cada. Waxaana lasaadaalinayaa inay qas iyo qalalaaso hor leh arintani abuuri karto. Todobaadkan wuxuu noqonayaa mid caalamku sigaar ah indhaha ugu hayn doono Itoobiya gude iyo dibadba