Skip to main content

ABIY AXMED OO AF LABADII DHAWAAQAYA

ABIY AXMED OO AF LABADII DHAWAAQAYA

Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo maanta lahadlayay baarlamaanka dalka ayaa sheegay inuu dalku imtixaan adag ku jiro. Abiy ayaa yidhi mar uu dhanka doorashada ka hadlayay “Karoonaha kahor Xisbiga Barwaaqo doorasho ayuu diyaar u ahaa, balse markii dib loo dhigay ayay kuwii asalkoodu iska mucaaradka ahaa oon ogolaadeen haddii la qaban lahaa doorashada ayaa hadana qaylinaya.”

Abiy ayaa sheegay inay dadka qaar leeyihiin Oromo kama dhalanin, wuxuu sidoo kale sheegay in si lamid ah Obama lagu yidhi Maraykanka muusan udhalanin.

“Hadaan noqon waayo oromo midka igu xigana Oromo ma aha unbay odhanayaan” ayuu yidhi Abiy.

Dalka Itoobiya ayuu ilaa hada dilkii Haacaalu Hundessaa internetku ka go’anyahay kadib markii kacdoon lama filaan ahi ka dhashay dilkii Haacaaluu oo dhacay 29kii June.

Hay’adaha Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa walaac badan ka muujiyay internetka ilaa hadda go’an.

Oromada dalka dibadiisa kunool ayaa dibadbaxyo balaadhan kawada Waqooyiga America iyo dalalka Yurub. Waxaana dibad baxyadooda kusoo biiray qaybo kamid ah qoomiyadaha kale sida Qoomiyada Tigray iyo Soomaalida.

Dibad baxayaasha ayaa dalbanaya inuu Haacaalu cadaalad helo, sidoo kalena lasii daayo Jawar Maxamed iyo siyaasiyiinta kale ee xidhan.

Waxay sidoo kale ku dhawaaqayaan “Abiy waa inuu tagaa”. Dhanka gudaha dalka ayaan ilaa hada la ogaan karin siday xaaladu tahay, maxaa yeelay waxaa wali go’an internetka oo sahli lahaa in la ogaado xaalada dhabta ah ee dalku ku suganyahay. Dibad-baxayaasha Oromo ee dalka Norway ayaa dacwad kadhan ah Abiy u gudbiyay qolodii Abiy siisay Billadii Nabada 2019.

Dajane Dafa oo kamid ahaa xisbiga OFC ayaa gurigiisa xalay lagala baxay sida ay sheegtay xaaskiisa Asalfej oo khadka telefonka ugu warantay TVga OMN. Xaaska Dajane ayaa sheegtay inay ciidanku saqbadhkii uyimaadeen, ayna ka codsadeen ilaa waabariga inay sugaan wayna ka aqbaleen oo 5:00 subaxnimo ayay latageen. Xaaska Dajane ayaa sidoo kale sheegtay inay waydiiyeen warqad maxkamadeed balse ayna wax warqad ah tusin. Xaaska Dajane ayaa sidoo kale xustay in dawladii hore ay xidhi jirtay ninkeeda balse ay usoo goyn jirtay warqad maxkamadeed beenba ha ahaatee.

Murti Media Q/R: Abdinasir Magool

Comments

Popular posts from this blog

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l...

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag