Skip to main content

Posts

Showing posts from May 14, 2018

Sidee lagu abuuraa ganacsi guuleysan kara (cabdicasiis Abiib mohamuud)

SIDEE LOO ABUURAA GANACSI (how to create a business): Marka hore waxaa habboon in aan qeexno sua’aasha ah waa maxay ganacsi? Waxaa jiri kara qeexido badan waxaan se kusoo gaabsanaynaa ganacsi waa gedis ama isweydaarsi badeeco ama adeeg dhex mara laba qof iyo wax kabadan. Waxyaalaha ugu horeeya ee loo baahan yahay si loo abuuro shirkadd guulaysata waxaa kamid ah in lasameeyo nidaam ganacsi oo afka qalaad lagu yidhaa Business Planning. Waxa aynu halkan ku faahfaahin doonaa waa maxay nidaaminta ganacisgu (business plan): I . Qorshaynta ganacsiga (Business Planning): Nidaamka ganacsi inkasta oo uu leeyahay qeexido badan hadana waxaynu kusoo koobi karaa waa qoraal nidaamsan oo lagu qeexay laguna soo koobay ujeedooyinka ama marxaladaha ay marayso shirkadda cusub oo laga raadinaayo faaiido. taas oo noqonkarta nooca ay tahay shirkaddu iyo waxa ay qabanayso (general company description), waxa ay higsanayso (vision), ujeedooyinka shirkadda (objectives), nidaamka suuq geynta (marketi