Skip to main content

Sidee lagu abuuraa ganacsi guuleysan kara (cabdicasiis Abiib mohamuud)

SIDEE LOO ABUURAA GANACSI (how to create a business):
Marka hore waxaa habboon in aan qeexno sua’aasha ah waa maxay ganacsi?
Waxaa jiri kara qeexido badan waxaan se kusoo gaabsanaynaa ganacsi waa gedis ama isweydaarsi badeeco ama adeeg dhex mara laba qof iyo wax kabadan.
Waxyaalaha ugu horeeya ee loo baahan yahay si loo abuuro shirkadd guulaysata waxaa kamid ah in lasameeyo nidaam ganacsi oo afka qalaad lagu yidhaa Business Planning. Waxa aynu halkan ku faahfaahin doonaa waa maxay nidaaminta ganacisgu (business plan):
I . Qorshaynta ganacsiga (Business Planning):
Nidaamka ganacsi inkasta oo uu leeyahay qeexido badan hadana waxaynu kusoo koobi karaa waa qoraal nidaamsan oo lagu qeexay laguna soo koobay ujeedooyinka ama marxaladaha ay marayso shirkadda cusub oo laga raadinaayo faaiido. taas oo noqonkarta nooca ay tahay shirkaddu iyo waxa ay qabanayso (general company description), waxa ay higsanayso (vision), ujeedooyinka shirkadda (objectives), nidaamka suuq geynta (marketing strategy), saadaasha iibka (sales forecast), nidaamka shaqada iyo shaqaalaha ( management and organisation), Loollanka shirkaddaha kale (competition), meesha lagu qabanaayo shaqada (location), nidaaminta maaliyaddeed (financial plan).
Hada waxa aynu halkan ku soo qaadan doonaa mid mid waxyaalaha aynu kor kusoo xusnay:
Qoraalkani waxa uu ka kooban yahay (Table of Contents)
II. Soo koobid shaqada (Executive Summary)
III. Qeexid guud ee shirkadda (General Company Description)
IV. Badeecadda iyo adeegyada (Products and Services)
V. Nidaamka suuq-geynta(Marketing Plan)
VI. Qorshaha shaqo-fulinta (Operational Plan)
VII. Maaraynta maamulka iyo habayntiisa (Management and Organization)
VIII. Cadayn maaliyadda gaarka loo leeyahay (Personal Financial Statement)
IX. Kharashka bilowga iyo Raasamaalka (Startup Expenses and Capitalization)
X. Nidaamka maaliyadeed (Financial Plan)
II. Executive summary (shaqada shirkadda oo kooban):
Executive summary: waa qaybta ugu horaysa ee lagu qoraayo qorshaha shirkadda (business plan)  taaso oo macnaheedu yahay in aad si kooban u sharaxdo waxa aad qabanyso waxa uu yahay, cida macmiisha kuu noqonaysa, cidda leh shirkadda, nooca ganacsiga aad samaynayso iyo dhamaan mustaqbalka shirkadda.
Halkani waa halka aad ku sheegayso nooca shirkaddani tahay sida haddii uu yahay shirkadd qof keligii leeyahay (sole proprietorship), is-kaashato (partnership) oo ah shirkadd ay wada leeyihiin laba qof ama in kabadan oo gala heshiis ujeedadooduna ay tahay in ay wadaagaan faa’iido iyo khasaaraba wixii ku yimaada shirkadda, Private Limited company oo iyana ah shirkadd leh saami wadaagayaal (shareholders) waana shirkad ay xadayso shares-ka, taasoo lagu qeexo shirkadd aan usoo bandhigin saamiyadeeda dadweynaha si ka duwan sida public limited companies.
Fadlan ka dhig qaybtan hore wax la fahmi karo oo kooban oo si xirfadleh loo sameeyay, waayo waa muraayadda shirkadda.
III. sifada guud ee shirkadda (General company description)

Halkan waxaad ku sheegtaa nooca ganacsiga aad gelayso, iyo waxaad samaynayso.
Halkan inta badan shirkadduhu waxa ay ku sharraxaan sababta ay u samaynyaan shirkaddan iyo nidaamka ay raacayaan. Taas oo ay badanaa raaciyaan waxyaalaha ay shirkaddu higsanayso (company goals), halkee ayaad rabtaa in aad shirkadda ka samayso? Yaa aad rabtaa in aad wax ka iibiso, mustaqbalka dhaw iyo ka fog sidee kuula muuqdaa in aad u guulaysan karto? Dhinacee ayaad ku xooganan kartaa dhinacee ayaad se ku liidan kartaa? Maxaa shirkadda guulayn kara? Maxay shirkaddaha kula loollamayaa kaaga sarayn karaan? Maxaa khibrad ah ama xirfad ah ee aad kusoo kordhin kartaa shirkadda?
Haddii ay shirkaddu tahay shirkadd qof keligii leeyahay (sole proprietorship), ama shirkadd ay wada leeyihiin laba qof ama in kabadan oo gala heshiis ujeedadooduna ay tahay in ay wadaagaan faa’iido iyo khasaaraba wixii ku yimaada shirkadda (partnership), Private Limited company oo iyana ah shirkadd leh saami wadaagayaal (shareholders) maxaad ku dooratay nooca shirkaddan?
*Fadlan ogow gadaal ayaanu wax walba ku faah faafin doona
IV. Products and services: (badeecadaha ama adeegyada)
Halkan waxaa si qoto dheer loogu qorayaa badeecada ama adeega aad gadayso waxa uu yahay kedibna waxad sheegaysaa waxyaalaha ku saacidi kara in aad badeecaada ama adeega ku guulaysato, tusaale ahaan tayada waxa aad gadayso (quality), qiimaha aad ku gadayso (pricing) etc.
V. Marketing Plan (nidaamka suuq-geynta)
Si kastaba ha u fiicnaato badeecadaadu ama adeegaagu waa ay adag tahay sida ay u guulaysto shirkadd aan lahyn nidaam hufan oo suuqgayneed (effective marketing plan). Halkani waa halka u baahan in aad looga taxadiro, si fiicana looga baaraan dego. Aad ayay khatar u tahay in si fudud loo yidhaa waan ogahay sida suuquu uu noqon doono. Waxa ay shirkadd ama qof waliba oo ganacsi samaynayaa u baahan yahay in uu sameeyo daraasad suuq-xog uruurin (market research).
Waxaa jira laba nooc oo loo sameeyo daraasadaha xog uruurinta suuqa (market research):
Daraasada koowaad (Primary research) macnaheedu waa in aad adigu si toos ah warbixinta usoo uruursato, adiga oo lakulmaaya dadka, booqanaya shirkadaha sameeya ganacsigaaga oo kale, eegaaya goobaha ku haboon, laakiin waxa suurto gal ah in uu kharash badan kaaga baxo daraasadan.
Daraasadda labaad (Secondary research) macnaheedu waa in aad fiiriso daabacadaha wararka laga helo sida majaladaha ay leeyihiin shirkaduha ama warshaduhu, joornaalada, wargaysyada. Waxaana wararkan inta badan laga heli karaa maktabadaha lagu kaydiyo buugaagta, rugta ganacsiga iyo meelaha dawladaha. Waxaa kale oo jira warbixino ku jira mareegaha internet ka (websites).
Nidaamka suuq-gaynta hanoqodo mid shay gaar ah la raadinaayo, loona raadinayo sida ugu macquulsan (specific and possible), samee tiro koob, tirooyin  iyo meesha saxda ah ee wax kasoo bilaamaan (sources).

Comments

Popular posts from this blog

Cafisku waa qayb kamida caafimaadka aadanaha W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka. Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada. Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay. Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay. 1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka. 2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l