Skip to main content

Posts

Showing posts from May 21, 2020

Ethiopia oo gantaalada idka diyaaradaha udaabushay agagaarka biyo xidheenka wabiga abby CABDICASIIS ABIIB MOHAMUD

Xiisadda u dhaxeysa Masar iyo Itoobiya ee webiga Niilka ayaa cirka isku shareertay, kaddib markii dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday in aysan dib u dhigi doonin buuxinta biyo xidheenka weyn ee ay ka sameysatay Wabiga Nile. Madaxweynaha Masar Abdel Fatah Al-Sisi ayaa amar ku siiyay Ciidamada qalabka sida ee Masar inay galaan feejignaantii ugu sareeyay. Sidoo kale dowladda Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa inay gantaallo lidka diyaaradaha ah u daabushay agagaarka biyo xidheenka, si ay isaga difaacdo, haddii Masar soo weerarto biyo xireenka. Cabdicasiis abiib mohamuud Tuliguuleed news

Maxay salka kuhaysaa xurgufta kadhextaagan baar lamaanka iyo xukuumada

Maxay salka ku haysaa xurgufta ka dhax taagan baarlamaanka iyo xukuumadu, aragtidayda. Sidaan la wada socono xubnaha baarlamaanka(heer deegaan iyo heer dal) waxay ka tirsanaayeen xisbigii hore ee EPRDF(SDP) iyagoo markaas ku shaqayn jiray aragtida xisbigaas, waxaa muuqata in xisbiga cusub ee heer dal lagu midoobay ee PP uu san soo sharixi doonin( waa sida ay u badantehee) xildhibaanada hada baaraalmaanka ku jira oo lala shir imaan doono xubno cusub. Sidoo kale xildhibaanada hadda waxaa ku batay ceebayn iyo canaan uga imaan jiray dhanka xukuumada iyo shacabka iyagoo lagu tilmaami jiray in ay qaataan uun wixii loo yeedhiyo. Kacdoonka xiligan waxaa sal u noqon kara iyagoo isku dayaya in ay iska biiyaan magacaas xun ee ku dhagsanaa si ay uga sii muuqan karaan masraxa siyaasadeed xisbigay doonaan ha ku biiraane. Jawaabta ay xukuumadu ka bixisay ma saxbaa ? - sida la sheegay waxay ciidan ku talbatay xildhibaanada gadooday( qalad) - waxaa la hor istaagay saxaafada qaarkeed( qalad).