Skip to main content

Posts

Showing posts from April 18, 2018

Imaaraatka Carabta oo Sheegay in Safaarad iyo Qunsilayadba aaney ku leheyn Somaliland

Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee isu tagga Iimaaraadka carabta, anwar Maxamed Qarqaash, oo u warramay laanta afka carabiga ee BBC ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya. Iimaaraadka carabta oo cilaaqaadka kala dhaxeeya dawladda Soomaaliya uu sii darsanayey ayaa markii ugu horreeyey ka hadlay halka uu ka taagan yahay xiriirkaas, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu joojiyay barnaamijyadii uu ka waday Soomaaliya. Wuxuu sheegay in heshiiska Berbera uu kala hadlay dawladdii ka horraysay tan hadda ka jirta Soomaaliya. "Arrinta dekedda Berbera waxay ku dhacday isfahan cad oo aan la yeelannay dawladihii hore ee Soomaaliya, waxayna ahaayeen kuwo cadcad. Innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin Somaliland, xiriirna lama lihin. Waxaan kaalin fududayn ah ku lahayn in aan kulamo u qabanno madaxda Soomaalida. Waxay ku kulmeen Dubai iyo Abu Dhabi. Kaalinteennu waxay ku koobnayd  fududayn. Is fahannadu waxay ku qotomeen haddii aan aqoonsannahay